Taangigii wuu ka dagay, madaxtooyadana wuu ka baxay

Published: August 19, 2012

Kn: Madaxweynaha DKMG ah ayaa maanta masaajidka weyn ee Isbahaysiga salaadda Ciidul Fidriga ku tujiyey boqolaal shacab ah, taasoo ah arrin aanan horey u dhici jirin.

Madaxweynaha ayaa ku xayirnaa Villa Soomaaliya gudaheeda isaga oo halkaasi masaajid darbiyadiisa xabada celiya uu salaadaha ciidaha kaga bixin jirey madaxda dowladda.

Maanta wax ka turjumaya amaanka caasimadda oo suweyn usoo hagaagay, waxa ay uu dadka ku tujiyey masaajidka Isbahaysiga oo ah kan dalka ugu weyn.

Arrinkale oo intii muddo ahba jirtey ayaa sida aad sawirka ku aragtaan madaxweynaha waxa haatan uu fuulaa gaadiid isaga u gaar ah oo aan ahayn taangigii AMISOM ee gadaal ka galay maalintii uu caasimadda ka degen dhowr sano ka hor markii madaxweynenimada loosoo doortey. Sidoo kale illaaladiisa waa Soomaali halka markii hore ay ka ahaayeen ciidamada AMISOM.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Raadaar kadib, amaanka Kismaayo oo ay diiradda saarantahay
Ethiopia iyo Masar oo heshiiyey
AMISOM oo Kismaayo lagu weeraray, waa markii koowaad
Shirweynihii waxbarashada oo Xamar ka furmey
Education will be the foundation of a new Somalia, Prime Minister says, opening a landmark National Education Conference in Mogadishu