Ordaa Soomaaliyeed oo badda tahriib ugu dhimatay

Published: August 20, 2012

Kn: Sida uu qorey wargeyska Corriere Della Serra ee kasoo baxa dalka Talyaaniga, Saamiya Yuusuf Cumar oo Soomaaliya oga qeybgashay ciyaarihii olimbikada aduunka ee dalka Shiinaha sanaddii 2008dii ayaa ku dhimatay badda Liibiya iyo Talyaaniga.

Wararka soo baxaya oo ah kuwa naxdin leh ayaa sheegaya in Saamiya ay dooni ka raacday Liibiya bishii April si ay u gaarto Yurub oo ay oga hesho tabobare kadib markii dalka Ethiopia loo diidey in ay ku tabobarato garoonka Addi Ababa.

Cabdi Bille Cabdi oo soo hadalqaaday magaca Saamiya xili uu waraysi bixinayay ayaa waxa ay taasi keentey in saxaafadda ay dabogasho waxa ku dhacay gabadha, kadibna waxaa la ogaaday in ay dooni la quustey.

Xiriirka Olimbikada Soomaaliyeed ayaa sheegey in Saamiya ay dhimatay, balse ka gaabsaday sababta geerideeda.

Saamiya waxa ay aad ugu egtahay Samsam oo sanadkan Soomaaliya oga qeybgashay ciyaarihii London, waxayna arrinteeda soo shaacbaxday kadib markii ordaa Soomaaliyeed Maxamed Faarax uu natiijooyin wanaagsan ka keeney ciyaarihii London.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa