Sh.Cabdiqaadir Cali Cumar ma hogaamiye kooxeedbaa mise Aala Sheekh?

Published: August 20, 2012

Kn: Illaa 50 qof ayaa laga reebey baarlamaanka cusub ee maanta la dhaariyey, dadkaasi waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar oo kaalin weyn ka geystey isku dhafkii ciidamadii maxaakiimta iyo kuwii dowladda.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dadkani oo badankood ah hogaamiye kooxeedyo caan ah sida Maxamed Qanyare Afrax, Muusi Suudi Yalaxoow iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade ay sidoo kale ka midyihiin shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan ologa Aala Sheekh ee dhistey xisbiga Daljir.

Waxaa xusid mudan in horey Augustina Mahiga uu kooxdaasi ku tilmaamay kuwa qaswadayaal ah oo ay tahay in la’is hortaago, dhowr bilood kadib hadalkaasi ayaa hadda waxa soo baxaysa in si ula kac ah loo hor istaagay xubno sarsare oo xisbigaasi ka mid ah oo baarlamaanka laga reebey.

Buuq maanta arrintan ka dhashay ayaa sabab u noqdey in kalfadhigii baarlamaanka loo raro garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan.
Cidna kuma aysan fikireynin in garoonka dayuuradaha uu noqon doono fadhiga baarlamaanka ee ugu horeeya, waxayna arrintani noqotey taariikh muhiim ah oo la dhabaheedii laga weeciyey, cid kasta waxa ay maanka ku haysay in fadhiga ugu horeeya ee baarlamaanka uu ka dhici doono aqalka golaha shacabka oo horaan shirarkii baarlamaanka oga dhici jireen waloow wali dayactir uu ku socdo.

Meelaha kale ee la filan karay in uu kulanka ka dhoco ayaa waxaa ka mid ahaa Iskool Boolisiyo ama xaruntii gaadiidka booliska ee dastuurka lagu ansixiyey.

Waxaa maanta dhacday in saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha gudaha oo la sheegey in ay amar ka heysteen wasiirka arrimaha gudaha ay kala eryeen koox xildhibaano ah oo beel gaar ah kasoo jeeda, arrintani ayaa sababtay in cabasho ay gaarto xafiiska Qaramada Midoobey iyo AMISOM oo si halhaleel ah u go’aamiyey in kulanka lagu qabto meel ka baxsan inta uu gaarayo maamulka madaxweynaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Arrin kale oo uu muran ka dhashay ayaa ahayd bixinta kaararka aqoonsiga ee xildhibaanada, balse taasi waxaa lagu xaliyey kulan shalay madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ay yeesheen, waxaa la sheegey in madaxweynaha lagu qanciyey in lasoo celinayo dadkii magacyadooda dib loo celiyey.

Qodob kale oo lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa in baarlamaankauusan horey ka galin doorashada, waxaa la siiyey muddo todobaad ah in lagu soo dhamaystiro xildhibaanada maqan si aysan u dhicin in musharixiinta qaar aysan oga faa’iideysanin maqnaanshaha xildhibaanada la ogyahay in ay taageersanyihiin madaxweynaha.

Horey madaxweynaha waxa uu u sheegey in aysan jirin koox gaar ah oo la bartilmaameedsan karo, wuxuu ola jeedey Kooxda Aala Sheekh, marka uu hadalkaasi dhahayana waxaa garab taagnaa Mahiga oo horey far ugu godey kooxdani.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar