Kn:Kulan ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka cusub ayaa lagu doortay shan iyo toban xubnood oo uu ka koobnaan doono gudiga doorashooyinka.
Afhayeenka ku meel gaarka ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada iyo magacyada gudiga loo xilsaaray inay hagaan doorashooyinka gudoonka baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
Wuxuu ahaa kala-fadhigii 2aad ee golaha baarlamaanku yeesho tan iyo intii la magacaabay, wuxuuna kulankoodu ka dhacay Degmada Cabdulcaziz, xaruntii gaadiidka.
Qabashada araajida musharixiinta ayaa ku eg 25 bishan, halka 26-keedana lagu wado inay dhacdo doorashada kama danbaysta ee lagu magacaabayo gudoonka baarlamaanka. Arintani waxay daaha ka rogaysaa hubanti la’aan ka taagnayd iyo muran ku aadanaa kooda dhinaca doorashada ku hor mari doona Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka, waxaana hadda muuqata in la soo hormariyay doorashada gudoonka Baarlamaanka, ka gadaalna ay dhici doonto tan Madaxweynaha.
LIISKA MAGACYADA GUDIGA DOORASHOOYINKA
KismaayoNews.com