Shaqsiyada Haile Mariam Desalenge, Hogamiyaha cusub ee Dalka Ethiopia

Published: August 21, 2012

Kn:Dhimasahada  Males Zenawi waxay furtay  taariikh cusub  dhinaca hogaaminta siyaasada dalka Ethiopia, waa  markii kowaad oo uu hogaanka u qabto nin aan dhalasho ahaan ka soo jeedin  labada qoomiyadood  ee Axmarada iyo Tegrai,  gaar ahaan 200 sano ee u dambaysay.

Inkasta oo aan la sadaalin karin  mudada uu sii hayn doono jagada  wasiirka kowad ee hada loo dhiibay, Haile Marian Deselenge, hore  wuxuu u ahaa ku-xigeenka Males iyo waliba wasiirka arimaha dibada Ethiopia.

Mr Desalenge wuxuu ku dhashay  Degmada Boloso Sore ee degaanka  Wolaita, halkaas oo uu ku nolaan jiray, waxrashadiisa inteeda badanna ku soo qatay. Sanadkii 1988 waxa uu jaamicadda Addis Abeba ka qaatay shaadadiisa kowaad oo Engineering uu ku sameeyay, ka dibna wuxu  tagay jamicadda  Tempere University of Technology ee dalka Finland, halkaasi oo uu ka qaatay shahadadii labaad ama Master degree.

Markii uu Ethiopia dib ugu soo noqday  waxa uu gudoomiye ama Dean ka noqday machadka loo yaqaano Water Technologu institute oo lagu barto cilmiga biyaha, 13 sano mudo gaadhaysa ayuuna halkaasi ka shaqeeyay.  Jagooyinkii ugu dambeeyay ee uu hada hayay ee ku -xigeenka wasiirka kowad iyo wasiirka arimaha Dibada waxa loo magacabay sanadkii 2010 isagoo markaa  kala wareegay ninki ila o dhan jiray Seyoum Mesfin oo isagu xilkaa hayay mudo 19 sano  ka badan.

Marka loo eego  qomiyad ahaan  Mr Haile M. Desalenge  waxa u kaga duwan yahay hogaamiyashii uga horeeyay  dalka,  waxa  uu isagu ka soo jeedaa qoomiyadda  Wolayta oo sooc  ah (iska dhal ah) kuwaas oo u badan dhinaca koonfureed ee Ethiopia. Qawmiyadaha kale ee dalka waxba uma galaan  halka hogaamiyayaashii ka horeeyay ay u badnaayeen  kuwo qoomiyado kala duwani iska dhaleen, Tusaale ahaan Males oo isaga ka horeeyay waxa la sheegaa inay iska dhaleen Tigray iyo Axmaro,  Mangistu laftiisu Axmaaro  ayuu  cad ku lahaa, Haile Salase wuxu ahaa Axmar, Uraago wax u galeen.

Ilaa laga gaadhayo Melelik -kii labaad, hogaamiyayaashu waxay ahayeen kuwo Axmaaro raad ku leh, waana arinta hada ahaan walwalka wayn ka dhalan karo oo loo arki kari hadii uu ninkani mesha sii hayo in  xukunkii dalka Ethiopia uu noqonayo mid qawmiyad kaliya ku sii  ururaya.

Mr  Desalenge waxa uu madax ka ahaa mid kamid ah xisbiyada maqaarsaarka ah ee aan doorka siyaasadeed lahayn, waxanu  xisbigiisu ahaa SNNPR oo inta badan laga tageero gobolada koonfureed ee uu ka soo jeedo,  ka dibna waxa laga dhigay  ku xigeenka  gudoomiyaha xisbiga EPRDF ee hadda talada dalka haya.

Inakstoo aan la filaynin inuu talada dalka sii hayn doono mudo dheer si lamid ah intii uu xilka hayay Males, hadana waxa la rumaysan yahay in sababta kaliya ee hada xukunka dalka loogu dhiibay ay tahay  arin la xidhiidha dhanka dastuurka dalka iyo  sidii uu ugu dhawaa hogaamiyii ka horeeyay oo gacan-yare daacada u ahaa, isla markaana uu la taliye uga ahaa dhinacyada arimaha bulshada.

Hadii aynu jaleecno siyaasad ahaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo waxa ka dhalan kara dhimashada Meles, waxa la odhan  karaa Zenawi wuxuu ka tagay geedi-socod siyaasadeed oo uu hogaankiisa kaligii si buuxda gacanta ugu hayay aanay adkaan doonto  in la helo qof halkii ka sii wada, waxaanay u badantahay  in isbadalo siyaasi ah ay la yimaadaan cid kasta oo talada dalka uga danbaysa taasi oo hor seedi karta khalkhal iyo burbur ku dhaca jiritaanka Ethiopia.

Sababta uga badan waa cabashooyinka dalka ka jira ee ay sababeen cududda iyo awoodaha loo isticmaalaya in lagu muquuniyo qaar kamid ah qawmiyadaha dalka. Marka laga reebo qomiyada Tigrega ah cid walba wax bay tabanaysaa , baryahan dambana waxa soo xoogaysanayay cabashooyin ka soo baxayay dadka muslimiinta ah oo dareensanaa in si  gaara loo bar-timaameedsado,  iyado loo soo marayo mashruuca caalamka ka socda ee Argagixiso la dirirka loogu yeedho.

Todobaado ka hor waxa xabsiyada loo taxaabay hogaamiyaal  magac ku lahaa dhinaca diinta Islaamka ee dalkaasi, walina xidhan iyadoo aan wax maxkamada la soo taagin. Meelaha dalka ka baxsan  dhimasahada Meles waxa loo arkay siyaabo kala duwan,  dadka Soomaalida meel ay joogaanba siyaasadihiisu saamayn ayay ku lahaayen,  taas oo meelaha qaar samayn toosa ahayd, waana laga dhuur sugi doona waxay ku dambeyso siyaasadaha soo food leh.

 

Mohamed Nuh ( Dr,Xayd)

Hangol@live.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa