Caqliga iyo Xisaabta !

Published: August 22, 2012

Kn: Nacaybka aan u qaaday Xisaabta intii aan wax dhiganayay iyo intaan soo galay xarumaha shaqooyinka waxaan u arkayay qofka jecel maadada xisaabta inuusan dhamays ahayn caqligiisuna uusan ku filnayn bal u fiirso qof wayn oo caqli ilaahay siiyay sideebuu u jeclaan karaa wakhtina ugu dhuminayaa x2-y=0 , x- n = 9

2 sano muddo haatan laga joogo waxaa dunida xisaabta hareeyay dhul gariir la mahadiyay ka gadaal markuu Xisaab-yahan reer Raashiya Gregory Perelman uu xal u helay xisaab wareerisay culimada xisaabta muddo ku siman afar qarni waa 400 oo sano , islamarkuu ninkaa xalka keenay wuxuu mac’hadka Clay ku dhawaaqay inuu mudan yahay abaal marinta Million , laakiin ilaa hadda cidna ma qaadan lacagtaas sababtu waa maxay ,

Mas’alad uu xaliyay ninkaas waan akhriyay laakiin ilaa haatan waxba kama aan fahmin mana xiisaynayo inaan fahmo , qoraxdu dhulka way ku wareegtaa dadkuna way xanuunsadaan waana la daaweeyaa , waxaa la helay Internet , wax badan ayaa dunida kusoo kordhay intii aan noolaa ilaa laga gaaro iPad ka la sheegay inuu Kunbuyuutarka ka takhalusayo , Hargabkii Loda iyo kii doofaarka shibirahana ku dar , waxaa xukunka laga tuuray Askartii 21 sano na xukumay Cali mahdi ayaa ismooday Madaxwayne Caydiid ayaa is magacaabay Cabdi qaasin ayaa Banaanka lagu soo sameeyay C/llaahi Yuusuf ayaa xigay Sheekh Sharif ayaa markale dusha laga saaray Soomaaliya walina saaran , Daahir Riyaale Dadka ayaa Doorasho ay u Dareereen ku Riday Silaanyo ayaa Hadda Madaxwayne ah , xanuunkii Siyaasadda Somalia ayaa 21 sano kadib la mooday in la badalo magaca KMG , Dastuur ayaa la yiri waa bilowga nolosha Soomaalida is ruugaysa, Dhurwaagii wax ugaarsan jiray ayaa haatan la ugaarsadaa , waxaas oo dhan waxay dhacayeen iyadoo aan xal loo helin Xuja Xisaabeedkan hadda xalkeeda uu helay nin la yaab leh .

Americanku waxay la xariireen ninkaas waxayna u sheegeen lacagta lagu abaal mariyay laakiin muxuu ku jawaabay ?uma baahni Milyan iyo Milyoon ee faraha iga qaada waa yaabe muxuu u diiday? Wuxuu ku noolyahay Tuulo yar oo ku taalla Ruushka Qol kaliya waxaa u yaalla Kursi iyo Sariir waxaa kula nool dhawr kun oo Baraanbaro , ninkaas ma jecla inay dadku soo galaan qolkiisa hasa yeehsee albaabadu waaa u furan yihiin noocyada kala duwan ee xasharaadka Baraanbarada iyo jiirka waa jaarkiisa .

Qofkasta oo xisaabta heerka gaara caqligiisa waa hooseeyaa daliishuna waad soo akhrisay Awoowayaashaa haddii ay heleen tira xisaabeedka 0 carabtu waxay soo saareen magaca Gaari laakiin kuma aysan guulaysan inay Gaari soo saaraan. Col Qadafi ayaa ka sheegay shir inay carabtu hindiseen magaca Car, magaca inaad hesho waxaa ka horeeya inaad shaygii hesho , Somali badan ayaa ku murma inuu fircoon ahaa Soomaali anaguna haddaan soomaali nahay aan nahay frikii coon

Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War hadda soo dhacay : Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!