Kn: Boqolaal qof ayaa ka qeybgalay xaflad xalay ka dhacday Johannesburg oo lagu maamuusayay sanadguuraddii 14 aad ee Puntland, madax ka socota African National Congress, xisbiga talada haya ee K/Afrika iyo musharax madaxweyne Soomaaliya ayaa ka mid ahaa martidii goobta timid.
Munaasabadda waxaa soo agaasimiyey ururka dhalinyarada Puntland ee Koonfur Afrika oo la asaasay sanad ka hor, gudoomiyaha ururkaasi, Maxamuud, oo halkaasi ka hadlayna waxa uu sheegey in yoolkoodu uu yahay in ay gacan ka geystaan waxbarashada dhalinta Soomaaliya.
Sacab weyn ayaa u dhacay markii Maxamuud uu dumar badan oo halkaasi kasoo xaadirey uu ku yiri “Qofka dhalinyarada ee guur doonka ah waxaa lagu xiraa maal, balse waxaan dumarka ka codsanayaan in wixii hadda ka dambeeya ay shuruuda ka dhigaan in ninka uu yahay wadani, taasina waxa ay gacan ka geysanaysaa in dalka uu dego, xalna loo helo mashaakilka dalka”.
Xubnihii ka socday xidbiga ANC ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada 14aad ee Puntland, waxayna sheegeen in xiriirka ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee Soomaalida uu yahay mid aad u wanaagsan.
Xassan Cabdi Khaliif oo ku magacdheer “Filasuuf” waa musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, hadal qiiro leh oo sacan badan u dhacay oo uu meesha ka jeediyey ayuu ku sheegey in uu doonayo in Soomaalida uu ka saaro guryaha bacaha iyo baakadaha ka samaysan, waxa uu leeyahay qorshe boqol sanno iyo 150 sanno in lagu cirib tiro qabiilka taasoo loo marayo tacliiminta da’yarta.
Waxa uu sheegey in dhibaatada Soomaaliya ay ka dhalatay dadkii reer miyiga oo la daryeeli waayay, markii biyihii iyo baadkii ay miyiga ku heysteen ay gabaabsi noqdeen, cuduro iyo duruufo nololeed ay uygu darsameen, in markaasi ay kusoo duuleen magaalooyinkii, sidaasi lagu barokiciyey dadkii reer magaalka ahaa.
Xassan Filasoof oo kasoo jeeda gobolka Jubbada Hoose, marna ahaa kaaliye barre jaamacadeed, ayaa qorshayaashiisa waxaa ka mid ah in uu wabiga Shabeele iyo Ganaane jeexo oo uu gaarsiiyo illaa Raascasayr, “biyaha wabiga ee badaha ku qulqulaya ayaan doonayaa in aan dalka cagaar oga dhigo”.
Ganacsade Cabdullaahi Faahiye, Jaamac Bashiir iyo dad kale ayaa ka hadlay munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Johannesburg oo aanan kaliya ahayn kuwa Puntland kasoo jeeda.
Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)
Johannesburg