Xabadka ayay isku salaameey

Published: August 29, 2012

Kn: Guushu macaan badanaa, gardaradu qaraaraa, siyaasadu gabi dhacleyn badanaa?

Halkan waxaa ka muuqda gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xabadka isku salaamaya, iyada oo farxad ay haraysay wajiyadooda.

Jawaari waxa uu ahaa musharixii uu watay madaxweynaha, islamarkaasina taageersanaa in uu ku guuleysto xilka gudoonka baarlamaanka.

Inkasta oo xildhinaada ay yihiin kuwa codkooda kusoo dooranaya madaxweynaha imanaya, hadane gudoonka Baarlamaanka waa udub dhexaadka qofta ay tahay in madaxweyne loo doorto.

Xubin kasta oo baarlamaanka ka tirsan waxa uu aad ugu tashanayaa in uu xulafo la noqdo ama saaxiib la noqdo gudoonka si uusan u seegin ka mid noqashada hogaanka gudiyada baarlamaanka, waftiyada baarlamaanka, siminaarada iyo faa’iidooyinka kale ee badan ee imanaya, sidaasi darteed waxa ay inta badan u dhago nugulyihiin hadalka gudoomiyaha.

Kulanka labada nin kadib, war saxaafadeed kasoo baxay ayaa u dhignaa sidan;

WARSAXAAFADEED:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeey guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya isagoo dhinaca kale tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay 42 sano kaddib ku guuleystaan inay baarlamaan ku doortaan waddankooda.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweyne Shariif, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka, ayuu madaxweyne Shariif ku sheegay in howl wanaagsan ay qabteen mudaneyaasha Baarlamaanka iyo guddigii doorashada isla markaana la doonayo in howsha dhimman la dhammeystiro.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabaneysa, waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo shirka jara’id ka hadlay ayaa sheegay in doorashadii dhacday ay ahayd mid taariikhi ah, baarlamaanka cusubna uu yahay mid tayo leh oo wax badan ka qaban doono xaaladaha waddanka ka jira.

“Waxaan filayaa baarlamaankani inuu yahay baarlamaan aad u fiican, waxaan hubaa inuu noqon doono mid ku tallaabsada in isbedel uu Soomaliya gaarsiiyo iyo xasilooni siyaasadeed hadduu Alle idmo” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Dhinaca kale madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo AMISOM ugu hambalyeeyay tallaabadii ay maleeshiyaadka Shabaab uga saareen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano kale, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan.

—— Dhammaad——


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Nin walaalkiis diley oo lagu qisaasay Galdogob
Video : Barnaamij Aljazeera ka diyaarisey Jubbaland iyo DF
Sheey-baar Nairobi ku yaala oo lagu baarayo meydka taliyihii geeriyoodey
Turkiga “%80 gargaarka Qaramada Midoobey ma gaaro Soomaalida”
Dad loo qabtay geerida taliyaha Police-ka