Kn: Waxaan nahay shacab falkiisu iska hor imaado had iyo jeer , gaar ahaan markay timaado maamul iyo maarayn , waxaad doonaysaa inaad difaacdo ama dhulka ku jiido sharaf hadduu leeyahay iyo hadduusan lahaynba qof, Masuulka ku xiga qolo ahaan ma khaldamo oo waxay qaar aamineen inuu hebelkoodu yahay (Cumar Bin Khadaabka xiligaan) Hebelka reerka kalana uu yahay Cumar Binu Hishaam (Abu Jahal) waayadaan .
Maalmaha ugu danbeeya maamulada fadhiidka ah ee soo socday guyaal ayaa ku mashquula dadkana ku mashquuliya dhaxag meel la dhigo dibna loogu noqon si loo shaxaado guyaal kale in la noqdo Agaasime , Maareeye ama masuul sare , waxaan ka aamusna 10 sano iyo dheeraad 4ta asbuuc ee cumriga xafiiskiisa ka haray ayaan xarakaynaa .
Waxaan duugnaa oo dadka ka qarinaa dulmi iyo danbi wuxuu gaystay waxaan ka dhignaa kan ku jira shacabka geesi aan la heli karon ma gafe cirka nalooga soo diray, waxaan sidaas u yeelaynaa waa nagu qabiil , nagu jifo , nagu reer ,nagu raas,nagu qurun, ama xisbi madhalays ah , runta kama sheegno umana sheegno , qofkii isku daya inuu run ka sheegana afkaan jabinnaa .
Midka aan ku nacnay inuu ka dhashay reer kale hadduu maago inuu iskool dhiso shamiitada ayaan ka xadnaa si aan loo oran qofkaas waxbuu qabtay , waxaan samaynaa wax walba oo aan ku lugoyn karno.
Waxaa naga maqan caqli ku hubaysan aragti horu socod iyo wax ku qaadasho taariikhda teedii xumayd iyo tii wanaagsanyd , waxaan naga dhumay oo aan doonaynaa maskax wax ku qaadan karta kana qaadan karta suuqa siyaasadda dunida lana tagi kara go’aanno ku dhisan Soomaali maxaa u dan ah .
Inaan ku kalsoonaano inaan nahay Soomaali ee aanan aaminin khiyaaliga dhalashooyinka dad leeyihiin ee aan daaqadaha ka guranay in naloogu daneeyay ay ka horayso in nalagu danaystay .
Dadka waxaa ugu wanaagsan kan garanaya markuu dadka u baahan yahay iyo markuusan u baahnayn .
Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com