Khudbadihii musharixiinta oo maad kusoo dhamaaday

Published: September 7, 2012

Kn: Waxaa soo xirmey kulankii baarlamaanka ee lagu dhagaysanayay, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari uu jeediyey khudbad qiiro leh oo uu muwaadhiniinta Soomaaliyeed kaga codsaday in ay xasiloonida dalka illaaliyaan.

Waxaa khudbadaha jeediyey 10 musharax oo uu ka midyahay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana loo balamay barito 3 saac subaxnimo in la dhamaystiro 15ka musharax ee hartay in ay hadlaan.

Kulanka waxa uu ahaa mid si toos ah looga daawanayay taleefishinada Somali Chanel iyo Taleefishinka Qaranka oo doorashadii hore ee gudoonka baarlamaanka aanan tabin toos ah lahayn, dadkuna waxa ay ka daawanayeen daafaha aduunka.

Khudbadii ugu xiisaha badneyd ee xildhibaan kasta qosol ilin ka keentey waxaa jeediyey Salaad Cali Jeele oo kalmad kasta oo uu yiraahdo lagu qoslayay, waxa uu ku faanay in uu yahay ninkii garoonka Xamar kusoo dhaweeyey AMISOM ee ugu horeeyey, darajadaasi oo uu sheegey in aysan jirin cid la wadaagta.

Salaad Cali Jeele oo hadalkiisa ka fiirsanaya ayaa yiri “Musharixiinta kale waa iga lacag badanyihiin, waana iga baabuur badanyihiin, balse waxaan idiin sheegayaa lacagna waa qaadasho, codka waa aniga” hadalkaasi oo sacabkii ugu badnaa uu u dhacay iyadoo la arkayay gudoonka baarlamaanka oo qosol la ilimeeyey, xitaa Jeneraal Muuse Xassan oo aanan inta badan qoslin ayuu ka qosliyey Salaad.

Waxa uu magaciisa ku celiyey labo jeer intii uu khudbada ku jirey, isagoo yiri “waxaan idinka tuugayaa codkiina inaad i siisaan”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isaguna sheegey in doorashadani ay tahay mid lagu kala dooranayo kii dalka dhisi lahaa iyo kii dalka burburin lahaa, iyada oo uu sheegey in uu isaga ahaa ninkii caasimadda ka saaray Alshabaab.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isna ku faanay waxqabadka xukuumadiisa badbaado qaran oo uu sheegey in ay dalka cagahiisa dib ugu taagtay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto
Madaxweynaha Jubbaland oo wafti qaabiley
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari