Qorshaha amaanka Qaranka oo dhigaya in dadka la wada qabqabto

Published: September 7, 2012

Kn: Boqolaal dhalinyaro ah ayaa si aan kala sooc lahayn looga taxaabayaa xaafadaha caasimadda xili maalmo kooban uun ay naga xigaan doorashada madaxweynenimada Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka waxa ay sheegayaan in ay tahay talaabo lagu xaqiijinayo amaanka, balse dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay tahay talaabo looga darayo amaanka maadaamaa cid kasta la qabanayo, xitaa dhalinta aan dambiga lahayn, taasina ay keeni karto in dowladda loo arko cadaw, kadibna taasi ay horseedo in dhalinyaro badan ay hubka qaataan.

Shalay oo kale degmada Xamar jajab waxaa laga qabqabtay illaa 400 oo dhalinyaro ah hawlgal socdey saacado kooban, kuwaasoo dhamaantood loo taxaabay, degmada waxa ay aad ugu dhowdahay goobta laga yaabo in lagu qabto doorashada, waxaana jira xogo ay ciidanka heleen oo la rumeyn karo in xoogaga shabaabka ay halkaasi geeyeen dhalinyaro dadka isku dhex qaldaya oo laga yaabo in ay abaabulayaan weeraro halaag badan dhaliya.

Dowladda iyo ciidamada AMISOM waxa ay leeyihiin qorshe loogu magacdaray “Xasilinta dalka” kaasi oo qodob ka mid ah uu dhigayo in si wadar ah loo xirxiro dadka, kadibna marka xabsiga lagu hubsado la kala xulo marka la diiwaangaliyo farahooda, magacyadooda iyo waliba sawiradooda.

Hawlgalka shalay waa la siidaayay dhamaan afarta boqolba, marka laga reebey 44 qof oo la tuhunsanyahay in ay ku lug leeyihiin dambiyo amaanka qaranka qalqal galin kara sida uu warbaahinta u sheegey Khaliif Axmed Ereg oo madax ka ah nabad sugidda Banaadir.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka