Aniga i doorta, diidnay ee cirka soo dumi

Published: September 9, 2012

Kn: Waxaa saaka caasimadda Xamar si xawli ah uga socda shukaansiga iyo kala gadashada cododka xildhibaanada, waxaana suuqa ugu badan haysta dilaaley iyo mukhalasiin ka dhex shaqaynaysa qaar kamid ah musharixiinta iyo xildhibaanada.

Ilaa iyo hadda wararka sidaanu ku helayno ma jiraan lacag gacanta loo saaraayo xildhibaanada, laakiin badalkeed xildhibaanka waxaa la gaynayaa Xawaaladda Dahab-Shiil, waxaana lagu heshiinayaa inuu lacagta halkaasi ka qaato kadib marka doorashada uu ku soo boxo musharaxa lacagta bixinaya.

Arintan ayaa lagu macneeyay inay musharixiintu ka baqeen inay labo khasaaraan, oo inta lacagta siiyaan xildhibaanka dabadeed xildhibaanku uu codkiisa siiyo dhawaan cidii uu doono maadaama aysan jirin sifo lagu ogaan karo shaqsiga uu xildhaanku u codeeyay.

Waxaa magaalada hoganaya mukhalasiin ka dhex macaashaya xildhibaanada iyo musharixiinta, waxaana ilaa iyo hadda qiimaha ugu badan bixinaya madaxweynihii hore ee DKMG, Shariif Sh. Axmed. Balanqaad kiisuna wuxuu marayaa ($50,000) konton kun oo doolar. Ra’iisul wasaarihii hore Cabdiwali Gaas ayaa ku soo xiga oo asna bixinaya balanqaad ah ($40,000) afartan kun oo doolar.

Xildhibaanada, kuwooda laga yaabo inay hunguri ku badashaan eegista maslaxada guud ee qaranka ayaa waxaa horyaala walaac ku waajahan in looga baxo balanqaadka lacagtaasi badan, oo maadaama aysan lacagtu gacantooda ku jirin uu dhawaan musharuxu ooga bixi karo balanta xataa hadii la doorto, lacagtana la noqon karo.

Waxaa magaalada ka socda suxul duub iyo sheegista burhaan kasta oo musharaxu ku samaysan karo saaxiibo ku meel gaar ah oo codka siiya, arinta ugu daran waa soo noolaynta qabyaaladda sii dhimanaysa oo musharixiinta qaar ay u isticmaalayaan kaar iyo salaan ay ku gaaraan dantooda khaaska ah.

Labada musharax ee ilaa iyo hadda dhaqdhaqaaqa ugu balaaran wada isla markaana beesha caalamka iyo wadamada danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya ku asqaynaya warar dhiilo leh, argagaxna galin kari qof maankiisu fayowyahay waa madaxdii waqtigoodo dhamaaday, Shariif Sh. Axmed iyo Cabdiwali Gaas.

Shariif wuxuu taaganyahay Xamar way qarxi oo qalalaasaa ka bilaaban hadaan dib la ii dooran, Cabdiwali Gaas waxaas leeyahay hadaan anigana la i dooran Puntland waa Go’ee. Laakiin Soomaalidu waa hore ayay cabsi, naxdin iyo argagax dhamaysatay waxayna joogtaa xiligii caqligu sida fiican u shaqayn lahaa, samaanta iyo xumaantana, nacabka iyo nasteexana ay kala garan lahayd.

Waxaa jira musharixiin kale oo ayaguna inta karaan kooda ah abaabul ka wada magaalada laakiin aan lacago iyo balanqaadyo been ah samaynaynin. Talasaarashada Rabbi ka sokow, waxay indhaha la raacayaan oo rajadooda ku xirayaan sanquuqa kala reebka marka xildhibaan kasta kor istaago inuu u daneeyo dalka iyo dadka oo u dooro qof samato bixin kara.

Nuxurka doorashadu waa kala doorashada kan ku halaagaaya iyo kan kuu gargaaraaya, qof kasta oo mujtamaca Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay godob u hayaana waxay leeyihiin ku dooran maynee cirka soo dumi.

Saxaafadda gudaha iyo tan dibadda ayaa dhankooda diiradda ku haya siyaabaha wax uga socdaan Xamar ayadoo lagu jiro maalintii ugu danbaysay ee loogu diyaar garoobayay doorashada madaxtinimada.

Dalalka sida xun iyo sida wanaagsanba u daneeya Soomaaliya ayaa sidoo kale indha iyo dhagahaba u raaricinaya. Maraykanka oo ugu tunka weyn ayay shalay ka soo booday hadal u muuqday hanjabaad oo ku aadanaa in la aqbalo natiijada ka soo baxda doorashada. Dadka siyaasada Geeska Afrika raacraaca oo KismaayoNews la soo xiriiray ayaa ku tilmaamay hadalka Maraykanka mid uu ku doonayo inuu qof uu asagu wato meesha keensado, sidaasina lagu aqbalo laakiin waxay yiraahdeen Soomaalidu heerkaasi way ka gudubtay, xildhibaanada ay talada gacantu ugu jirtana waxaa ka dhex buuxa aqoonyahano iyo wadaniyiin ay markani adagtay inay ka taladu ka hoos baxdo.

Aragaanee!

KismaayoNews.com

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari
Tix gabay ah oo tilmaamo wanaagsan ka bixineysa Macalin Dhoodaan
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?