Kn: 12 saacadood wax ka badan ayaa ka dhiman inta aysan bilaaban codbixinta baarlamaanka ee sida weyn loo sugayo ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, laakiin KismaayoNews waxa ay sheegi kartaa in musharixiin badan ay kol horaba quusteen, waxayna u egtahay in lagu kala baxay ka hor codbixinta.
Tani waxa ay timid kadib markii ay bahoobeen labadda Shariif, iyagoo kala heysta taageerada ku dhawaad boqol xildhibaan midkiibo, kuna heshiiyey in codka ay ugu shubaan madaxweynaha.
Arrintani waxaa durbaba ka hanfariirey madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo war uu soo saaray maanta ku sheegey in haddii musharaxa uu isaga wato la dooran waayay ay Puntland go’aan ka gaari doonto aayaheeda, taasina loo fasirtey in ay go’eyso.
Musharaxa Puntland waa Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ahaa Ra’isulwasaaha.
Dad badan oo siyaasadda u dhuunduleela waxa ay durbaba sheegayaan in ay hubaan in madaxweyne Sheekh Shariif uu markale soo noqonayo.
Waxaa rajada Sheekh Shariif hoosta kasii xariiqey kadib markii maanta in ay baarlamaanka galaan loo fasaxay koox hogaamiye kooxeedyo hore ah oo loo diidanaa baarlamaanka , waxayna barito ka qeybgali doonaan codbixinta.
Waxaa la hubaa in ay u codeyn doonaan madaxweyne Shariif oo si weyn ugu ololeeyey in ay baarlamaanka soo galaan, islamarkaasina suurogaliyey.
Warar hadda nasoo gaaraya kadib markii labada Shariif ay xaflad kasoo wada muuqdeen, taasoo ay ka qeybgaleen boqol xildhibaan ka badan oo ah kala barka baarlamaanka kuwaasoo dhamaan taageersanaa madaxweynaha, in musharixiinta gaar ay bilaabeen gorgortan ah in ay tartanka isaga baxaan, codkoodana siiyaan madaxweynaha.
Waxaa maanta sidaasi yeeley Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo markii horaba ay iska muuqatay rajoxumadiisa kadib markii xitaa beeshii uu kasoo jeedey ay diidey in ay taageerto musharaxnimadiisa.
Durba waxa uu dareenka dadka u wareegey qofka noqonaya Ra’isulwasaaraha, waxaana la hadal hayaa in qof kasoo jeeda gobolada waqooyi uu noqon doono Ra’isulwasaaraha haddii heshiiska labada Shariif uusan xambaarsanayn isbadal.
Waana sababtaasi tan Puntland ka qeeylisiineysa, waxaa la ogyahay xurgufta ka dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.
Ilo wareedyo noo waramay waxa ay sheegayaan in Prof. Cali Khaliif Galayr laga yaabo in uu noqdo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Cali oo isu soo taagay xilka gudoomiyaha baarlamaanka oo uu waayay waxaa watay Shariif Xassan oo hadda la bahoobey Sheekh Shariif.
Waxaase jira dareen xoogan oo sheegaya in qof u dhashay Somaliland laga yaabo in uu noqdo Ra’isulwasaaraha si Somaliland loosoo xero galiyo, waxaana xusid mudan in khudbaddii maanta madaxweynaha uu kusoo hadalqaaday wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
KismaayoNews.com