Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta xaflad balaaran oo madaxtooyada ka dhacday ku shaaciyey in ay markale siyaasadda ku bahoobeen.
Madaxweynaha oo Khudbad dheer ka jeediyey hool madaxda dowladda, xildhibaano iyo taageerayaal ay soo buuxiyeen, iyada oo uu kursiga hore fadhiyey Shariif Xassan ayaa sheegey in isaga iyo Shariif Xassan ay siyaasadda ku bahoobeen iyagoo u adeegaya danta qaranka, wuxuuna sheegey in madmadoow soo kala dhexgalay ay xaliyeen.
Waxa uu sheegey in dadka Soomaalida labadii qof ee heshiisaba ay su’aal ka keenaan sababta ay u heshiiyeen, wuxuuna soo qaatay maahmaah uu yiri “Abootooyinkeena waxay noo sheegi jireen maahmaah ah dun iyo dadba waa la aruuriyaa” isagoo intaasi ku daray in hadba qofkii kaalmo u baahan la samatobixiyo, “Maanta Shariifka waa muteystay, waana i samatobixinayaa” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sacab badan uu u dhacay.
Dhanka kale waxa uu khudbadiisa ku sheegey madaxweynaha “Qabyo ninkeeda ayay u taaloo” isagoo codsaday in codka la siiyo si uu u dhamaystiro waxyaabihii uu horey u waday, waxa uu eedeeyey musharixiinta kale oo uu sheegey in ay ka been sheegeen xaaladda dalka ka jirta “Ninka maanta been ku biloowdey, barito halkee ayuu na dhigayaa“.
Waxay u muuqatay in madaxweynaha uu xafladani u isticmaalayay fursad uu gafay daraad markii uu khudbadda u jeedinayay baarlamaanka, taasoo la sheegey in uusan u hadlin sidii la rabay.
Mar uu ka hadlayay musharixiinta kale ayuu ku qaaday weerar culus oo afka isagoo sheegey in khudbado lasoo qortey aanan dalka lagu maamuleynin.
Shariif Xassan oo isaguna madaxweynaha hortiisa hadlay ayaa sheegey in 100% uu taageerayo Sheekh Shariif, wuxuu qirey in horey ay jalaafooyin isu dhigi jireen balse aysan waligood isku fogaanin, haatana xaqiiqada loo dhacay.
Xafladda ayaa waxa ay ka dhacday Hotel City Palace, waxayna u ekeyd in laga jawaabayay eedeymo musharixiinta qaar ay soo jeediyeen oo ahaa in hantida qaranka lagu tagri falayo, loona isticmaalayo ololaha doorashada, taasi ayaana keentey in madaxtooyada lagu qaban waayay munaasabadan oo ahayd mid muhiimad badan leh.
KismaayoNews.com