Kn: Malaayiin qof ayaa aduunka daafihiisa oo dhan dhigayo dabaaldegyo waaweyn kadib markii ay cadaatay natiijada doorashada madaxweynenimada oo uu heley Xassan Sheekh Maxamuud.
Xamar waxaa markaliya hawada isla qabsaday damaashaad, iyadoo hoonka baabuurta, iyo baaruuda ay ahayd waxa kaliya ee la maqlayay.
Dad badan oo si weyn u karaahsaday siyaasadda labada Shariif ayaa siweyn ugu farxay in ay meesha ka tagaan, isbadalna la helo.
Waxbadan lagama yaqaano madaxweynaha cusub Xassan Sheekh Maxamuud.
KismaayoNews.com