Dr. Gaas iyo Cosoble oo ka tanaasulay wareegga 2aad

Published: September 10, 2012

Kn: Dr. Gaas iyo Cosoble ayaa ka tanaasulay inay sii wadaan tartanka madaxnimada dalka kadib markii ay kamid noqdeen 4 musharax ee ugu codka baday.

Dr. Gaas wuxuu wareegii koobaad helay 30 cod halka Cosoble uu helay 27 cod.

Hadda waxaa la gudagalay wareegii 2aad, waxaana ku tartamaya madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed oo wareegii hore ku hogaaminayay saaxiibadii la tartamayay 64 cod halka Xasan Sh. Maxamuud oo wareegga labaad tartanka kula jira uu helay wareeggii hore 60 cod.

Waxaynu sugnaaba waa qofka noqon doona hogaamiyaha dalka ee 4 sano ee soo socda. Wareeggii 1aad waxaa codeeyay 271 xildhibaan, waxaana khasaaray hal cod oo kaliya halka 270-kii kale uu codkoodu noqday mid ansaxay.

Arinta xiisaha leh ayaa ah labada musharax ee tanaasulay xildhibaanadii u codeeyay midka ay ugu ridi doonaan labada musharax ee soo haray, iyo qaabka uu u dhici doono isbahaysiga cusub ee durba laga dheehan karo madasha doorashadu ka socoto.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa