Jawi dagaal oo ka aloosan Kismaayo

Published: September 10, 2012

Kn:Saacad kasta waxaa loo toog hayaa inay rasaasta iyo gumacyadu ka burqadaan qoryaha afkooda, kadib markii ciidamada huwanta oo lugaynaya, kaareyaashuna ay daba luudayaan ay u dhaqaaqeen jihada Kismaayo.

Wararka rasmiga ah ee ku soo dhacaya barta warqabadda KismaayoNews waxay sheegayaan in ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Kenyaan ay sadex jiho kaga bexeen magaalo xeebeedka Kismaayo.

Ciidamo xoog leh ayaa cagta saaray jidka Kismaayo ka soo gala dhinaca degmada Badhaadhe, halka laba jid oo magaalada uga yimaada dhinca degmada Afmadow ay laba madax oo kamid ah isla ciidamada huwantu ay cagta saareen.

Ciidamada huwanta ee ugu badan ayaa ku taagan jidka isku xira Afmadow iyo Kismaayo oo ah jidka ugu halista badan, ayna ku suganyihiin difaaca ugu adag ee xoogagga Alshabaab. Jidka Qooqaani ka baxa ayaa sidoo kale waxaa ku baxay ciidamo xoogan.

Xarakada Alshabaab ayaa ku jirta difaac kii ugu danbeeyay, ayagoo ciidamadoodana kooxo kooxo ugu bilqay kaymaha iyo dhulka hawdka ah ee ka sokeeya Kismaayo. Ilaa iyo hadda wali xabadi ma dhicin laakiin waxaa la sugayaa dagaal fool ka fool ah oo qarxa saacad kasta.

Ciidamada Huwanta ayaa go’aansaday inay ilaa iyo Kismaayo lug ku tagaan kadib markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen difaaca hore ee ciidamada Alshabaab. Taangiyada iyo gaadiidka dagaalka ee daba ruqaansanaya ciidamada huwanta waxaa dheer diyaaradaha qumaatiga u kaca oo dul hoganaya.

Lama saadaalin karo nadiijada dagaalka, laakiin Alshabaab waxay sheeganayaan inay Kismaayo ku dagaalamayaan tan iyo inta uu midka ugu danbeeya naftu ku jirto halka ciidamada huwanta oo dhamaystay diyaargarowgoodii ugu danbeeyay isla markaana isu geeyay xoog iyo xeelad wixii baaqi u ahaa ay sheeganayaan in ugu danbayn 12 bishan ay gacanta ku dhigayaan Kismaayo.

Aragaane halka xaal ku danbeeyo, laakiin si aad xaaladda dhabta ah iyo wararka sugan u hesho soo booqo mar kale shabakadda KismaayoNews.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia