Wareegga 3aad oo bilawday

Published: September 10, 2012

Kn: Wareegga 3aad ayaa la gudagalay waxaana makaroofanka si halhaleel ah loogu soo dhaweeyay Xildhibaanad Saada Cali Warsame oo madasha ka qaaday hees qiiro leh oo ay wax ugu sheegaysay xildhibaanada goobta isugu yimid waajibaadka saaran iyo sidii ay lama huraan u tahay in dalka iyo dadka loo daneeyo kala duwanaanshaha xaga aragtidana meel la iska dhigo.

Waxay heesta oo miraheedu koobnaa ugu tunweynaa xushmaynta kitaabka ay baalaha u jareen xildhibaanadu inay dantooda ka hormarinayaan tan qaranka.

Cod bixinta oo socota ayaa laga dhuursugayaa ama la dhawrayaa midka caynaanka dalka qaban doona labada musharax ee Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sh. Maxamuud.

Si’aad natiijada u ogaato haka fogaan shaashadda, ishana ku hay KismaayoNews.com

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar