Kn: Daqiiqado kahor waxaa soo dhamaaday codbixintii madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana doorashada ku guuleystey Xassan Sheekh Maxamuud oo cod aqlabiyad ah lagu meelmariyey.
Inta laga ogyahay madaxweynaha cusub oo haatan durbaba xilka loo dhaariyey, waa xisbiga akhwaanka Soomaaliya ee Islaax loo yaqaano.
Dadka waxa ay aad ola yaabanyihiin sida uu kusoo baxay ee cajiibka, mana ahan nin la filayay in uu soo boxo.
Waxaa la rumeysanyahay in uusan kusoo bixin olole adag oo doorasho oo uu galay iyo lacag uu bixiyey, mise jacayl loo qabo, ee wuxuu kusoo baxay kala jab ku yimid labada Shariif, waxaa la sheegayaa in Shariif Xassan uu ugu shubey Xassan Sheekh Maxamuud wareegii koowaad, wareegii ugu dambeeyeyna ay musharixiintii kale ugu shubeen isaga iyagoo ka duulaya in uusan Sheekh Shariif meesha kusoo laaban.
Markii uu wareegii labaad haray Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas hadal uu jeediyey waxa uu xildhibaanada ka codsaday in ay isbadal u codeeyaan, isagoo ula jeedey in madaxweyne cusub la doorto, markii natiijada lagu dhawaaqayna waxaa uu noqdey qofkii ugu horeeyey ee salaama madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha cusub waxaa durba heysta walwal cusub, kaasi oo ah sidii wadashaqayn uu oga heli lahaa ciidamada iyo madaxdooda oo dhamaantood daacad u ah Sheekh Shariif, waxaana xusid mudan in ay hareero taagnaayeen markii Shariifka uu khudbada jeedinayay.
Waxaa muuqanayay dublamaasiyiin farobadan oo uu ka midyahay safiirka Turkiga iyo ku xigeenka wakiilka AMISOM Wafula Wamunyiyi oo kalmad-kalmad loogu turjumayay hadalada la jeedinayay.
Waxaa sidoo kale la arkayay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo aad u dhoolo cadaynaya markii ay natiijada soo baxday.
Markii la dhaariyey madaxweynaha, durba waxaa hareerihiisa soo istaagay ciidamadii illaalada madaxtooyada iyo taliyaha police-ka oo daqiiqado ka hor waardiye ka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
KismaayoNews.com