Jaaliyadda Soomaalida Bristol, UK oo soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha cusub

Published: September 11, 2012

Waxaa wax aad loogu farxo ah, in magaalada Muqdisho caawa lagu soo gabagabeeyay dowladdii ku meel gaarka aheyd oo uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Sh. Shariif Sh Axmed, laguna doortay madaxweyne cusub oo dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bristol ee carriga Ingiriiska waxey hambalyo iyo bogaadin qiima badan u dirayaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin, waxeyna uga hambalyeynayaan guushaan qaaliga ah ee u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo iyagu dalka Soomaaliya gudahiisa ku doortay madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud.

Waxaan madaxweynaha ilaahey uga baryeynaa inuu la garab galo howsha culus ee loo doortay, waxaan ka codsaneynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan madaxweynahooda oo aysan ku fiirsan xilkaan culus. Waa in la ogaadaa horumarka uu dalku gaaro dhamaan Soomaalida ayaa gaareysa, marka waa in si wada jir ah looga shaqeeyaa sidii loo gaari lagaa isbedelka aynu rabno inuu dalka ka hir galo.

Waxaan kaloon halkaan uga mahad celinaysaa Madaxweynihii hore Sh. Shariif, waxaana uga mahadcelinaynaa howlihii uu qaranka u soo qabtay intuu dalka xukumayay iyo weliba sida sharafta badnayd oo uu maanta u aqbalay natiijadii uu baarlamaanku gaaray ee lagu doortay madaxweyne Prof. Xassan Sh. Maxamuud.

Waxaan ka codsanaynaa dhamaan heyadaha qaranka ee dhisan iyo kuwa la dhisi doono oo ay ugu horeyso dowladda iyo raisulwasaaraha soo socda in ay la yimaadaan wada shaqeyn dhalisa in dalku uu gaaro horumarka uu madaxweynuhu balan qaaday oo aan dib loogu noqon wadadii muqdiga aheyd.

 

Soomaaliya Hanoolaato.

Guul Iyo Gobannimo


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Afayeenka Madaxweynaha “Shir lagu qabanayo Xamar ayaa lagu soo dhisayaa maamul KMG ah Jubbooyinka”
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri