Kn: Dublamaasiyiin reer galbeed ah oo hadlay ayaa sheegay in aysan aqoon wanaagsan u lahayn madaxweynaha cusub ee ay Soomaaliya yeelatay, waxayna sheegeen in labadii maalmood ee lasoo dhaafay oo kaliya ay warkiisa maqlayeen.
Warar aan heleyno waxa ay tibaaxayaan in hey’adaha sirdoonka reer galbeedka ay aad ugu mashquulsanyihiin sidii ay wax badan oga ogaan lahaayeen madaxweynaha cusub, iyadoo xitaa jaamacadii Bhopal ee uu kasoo baxay dalka Hindiya laga codsaday galkiisa, islamarkaasina waraysiyo lala yeeshey bareyaal jaamacadeed oo hawlgab ah iyo samefalayaal uu la shaqeeyey.
Dowladdaha reer galbeedka oo ay dano badan kaga xiranyihiin Soomaaliya ayaysan dan u ahayn in cid aysan waxbo uka aqoonin ama xiriir wanaagsan ama ugu yaraan isfaham la lahayn in uu madax ka noqdo.
Inkasta oo war saxaafadeedyo kasoo baxay dowladaha galbeedka sida Maraykanka oo kale lagu taageerey doorashada madaxweynaha cusub, hadana waxaa aad loo rumeysanyahay in taageero kasta oo dowladiisa la siinayo ay ku xirnaan doonto hadbo sida isfaham loola gaaro.
Madaxweynaha cusub oo ay iska muuqatay in uusan marnaba fileynin in uu kusoo baxayo kursiga ayay tahay in uu sameeyo la tashiyo badan, iyadoo dad badan durbaba ay u kala xusul duubayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen madaxweynaha.
KismaayoNews.com