Axmed Madoobe “waa cusub baa Soomaali u baryay”

Published: September 12, 2012

Kn:Hogaamiyaha Kaambooni oo la hadlay saxaafadda xili uu ka warbixinayay dagaalo shalay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha dalka Xasan Sh. Maxamuud iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Waa cusub ayaa Soomaali u baryay” ayuu yiri Sh. Axmed Madoobe mar uu muujinayay dareenkiisa farxadeed ee ku aadan madaxweynaha cusub ee dalku yeeshay Dr. Xasan Sh. Maxamuud.

Dhanka kale, Sh. Axmed waxa uu carabka ku dhuftay in ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya ay maalmaha soo socda la wareegi doonaan Kismaayo. Dagaalkii shalay ayuu ku sheegay inay ku jabiyeen ciidamadii kasoo horjeeday ee Alshabaab, khasaare lixaad lehna ay gaarsiiyeen.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo