Kn:Dad naftooda haligay ayaa isku miidaamiyay hotel Jazera oo uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Dr. Xasan Sh. Maxamuud xili uu qaabilayay wafuud ka socotay dalka Kenya.
Sideed ruux ayaa ku dhimatay ay ku jiraan sadexda naftood halige, 4 ciidamada dawladda ah iyo hal ciidamada Afrikaanka, waxaana dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangule oo waraaq hanbalyo ah gudoonsiinaya madaxweynaha Soomaaliya ayuu kadinka ka dhacay qaraxa koobaad oo mid kamid ah naftood haligayaashu uu badhanka u taabtay suumanka qaraxa oo uu jeeniqaarsanaa.
Rasaas ayay ilaalada Hotelku oodda ka qaaday, madaxweynuhuna wuxuu isku dayay inuu dajiyo madaxdii uu qaabilayay, laakiin jawigu wuxuu is badalay kadib markii ismiidaamiye kale ay ciidamadu rasaas ku fureen kadibna uu ku qarxay barxadda hore ee hotel. Ku sedexaad oo isa soo maqiiqay ayay sidoo kale dhafoorka ka toogteen ciidamadii ilaalada ahaa, laakiin mid kani waa uu qurbaxay asagoon qarxin.
Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay, waxayna ku tilmaameen hawlgal u fulay sidii ay u qorsheeyeen. Qaraxyada ka dib madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada, saxaafadda oo uu la hadlayna wuxuu u sheegay inayna waxba ka badalayn waajibaadka saaran iyo xilka uu shacbiga Soomaaliyeed u qaaday falalkii naftiisa lagu beegsaday.
Waa maalinkii labaad ee xilka madaxweynenimada dalka uu hayo, walow uusan si rasmi ah wali ula wareegin. Dadka meelaha luuqyada ah wax ka eega ayaa qaraxyadan macnayaal badan u sameeyay, waxayna ku xirantahay natiijada in madaxweynaha ay ka carqaladayso ama saamayn ay ku yeeshaan go’aan qaadashadiisa dib u dhiska iyo dib u xasilinta dalka iyo in kale.
KismaayoNews.com