Kn:Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa shalay iyo maanta duqeymo ba’an ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanada Ku xeeran Janaacabdalle, Dhesheeg Waamo iyo Gosha ayaa laga maqlayay hugunka iyo daryaanka gantaalada ay tuurayaan diyaaradaha dagaalka Kenya kuwooda qumaatiga u kaca iyo kuwa guuxooda ka dheereeya.
Lama oga khasaaraha ay gaysteen, laakiin arintan ayay ku macneeyeen saraakiil Soomaali ah oo la socda ciidamada huwanta inay duqaymahan ugu gogol xaarayaan weerarka ay ku yihiin magaalo xeebeedka Kismaayo.
Marka laga tago gaadiid ama dhismeyaal ay diyaaraduhu la beegsadaan gantaal ayaa sida qaalibka ah madaafiicda badan ee dhulka baadiyaha lagu garaaco ayna gaysan khasaare badan, hadii ay gaystaana ay suuro gal tahay inay haleelaan dadka xoolo dhaaqatada ee miyiga ku nool.
Furimaha hore ee dagaalka ayay ka muuqatay degenaan aan cago badan ku taagneyn waxaana la saadaalinayaa suurto galnimada inay dagaalo dib ugu qarxaan bari ama saadanbe.
Walow ay Kenya ku biirisay AMISON ciidamo gaaraya 4500 ayaa haddana xaqiiqda dhabta ah ee Jubbooyinka taala, waxay u egtahay in dawladda Kenya ay dhamaan ciidamadeedii milatariga ee ay lahayd ay halkaasi isugu gaysay marka laga qiyaas qaato tirada ciidamada iyo cududda soo dhoobtay.
KismaayoNews.com