Kn: Markii ugu horeysay muddo sanooyin magaalada Johannesburg oo ku dhawaad 10 kun oo Soomaali ah ay degenyihiin xalay waxay ahayd markii ugu horeysay oon arko kasoo qeybgal loo dhanyahay.
Xafladda oo uu kasoo qeybgalay safiirka cusub ee Soomaaliya Koonfur Afrika u fadhiya Sayid Shariif Xassan ayaa si weyn loosoo buuxdhaafiyey dad weyn aad u farabadan oo Soomaaliyeed.
Waxay ahayd mid mid aad loosoo agaasimey, dadkii ka hadlayna waxaa ka mid ah danojiraha cusub, ganacsade Muuse Ganja boo safaarada Soomaalida ugu deeqeu gaari caasi oo 7 kuursiile ah oo lagu qaado shaqaalaha safaarad.
Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani) ayaa isagana dadku hadaladiisa qosol jaanta la wareen kadib markii uu yiri “Nin waalan oo salad tukanaya ayaa waxaa dhacday in isaga oo aanan ogeyn ay jamaaco kale kusoo xirato, markii uu faataxada dhameeyey oo uu yiri “wala laaliin”, ayuu markaliya gadaashiisa ka maqlay amiin, inta uu gadaal soo eegey, ayuu markale ku celiyey walalaaliin, bal si mar kale aamiinta loogu yiraahdo, isagoo aamini waayay jamaacada uu heley”, “marka maanta waa sidii oo kale, madaxweynaha wanaagsan Xassan Sheekh Maxamuud ee aan helney waa tii oo kale”.
Danojire Sayid Shariif ayaa amaanay kartida iyo aqoonta madaxweynaha cusub oo uu sheegey in shaqsiyan ay aqoon isu leeyihiin, wuxuuna illaahay ka rajeeyey in uu la garabgalo mas’uuliyadda cusub.
Xaaji Cabdi Weheliye oo ah ganacsade Soomaaliyeed, Yuusuf Xaaji oo ka tirsan xisbiga Hiil Qaran, iyo dad kale oo kale duwan ayaa munaasabadda ka hadlay, waxayna dhamaantood ku dheeraadeen amaanta madaxweynaha cusub iyo bogaadinta ay u hayaan.
Xafladda waxa ay dhacday maalmo kadib markii dabaaldegyo waaweyn oo ay Soomaalida ka sameeyeen dariiqyada Johannesburg, waxaana u badnaa dhalinyaro rajo badan ka qaba mustaqbalkooda kadib markii madaxweyne cusub la doortey.
Cabdinaasir Saxansoxo
Johannesburg