Faahfaahin dagaal ka dhacay Jubbada Hoose

Published: September 14, 2012

Kn:Ciidamada Huwanta ayaa deegaanka Biibi kula wareegay dagaal aan itaalkiisu xooganayn, kadib markii duqeymo xoogan ay ka gaysteen maalmihii u danbaysay deegaamo badan oo dhaca wadooyinka gala Kismaayo.

Sida aan wararka ku helayno dirirta ay huwantu kula wareegtay Biibi, waxaa khasaare dhankooda soo gaaray dhimashada hal askari iyo sadex kale oo dhaawacmay. Dhinaca Alshabaab ayayna noo suurogalin inaan ogaano khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray laakiin ciidamada huwantu waxay arkeen maydka hal askari oo Shabaabku uga tageen goobtii lagu hardamay.

Sidoo kale, deegaanka Sooya oo qiyaastii Janaacabdalle u jirta 7KM waxay diyaaradaha dagaalka ee Kenya gantaal la hogsadeen gaari tigniko ah oo Shabaabku lahaayeen, laakiin wararka aan helayno waxay sheegayaan inuusan jirin khasaaro ka badan gaariga gubtay. Ciidankii gaarigu siday ayaa cagahooda ku baxsaday ka hor inta aan diyaaraddu halgaadin.

Xaaladda gobolada Jubbooyinka iyo hardanka gacan ka hadalka ee wali ka socda waa, faanoole fari kama qodna.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’
Guutaale oo dhexda ka baxay
Foowsiyo oo wadahadal la yeelatay Kenya
Baarlamaanka Soomaliya oo Xanuunkiisii kusoo kacay
Dowladda oo shirkad shisheeye u saxiixday dhul beereed