Madaxda Dalkoow

Published: September 14, 2012

Kn: Marka aad toosisid kan qaloocan , garab siisid kan jah-wareersan , hagaajidis kan fasahaaday, gaashaan u noqotid kan taagta daran ,gacan siisid kan xaqiisii laga dafiray, dhagar qabahana dadka ka dhawrtid , kan dulmiga gaystayna aad ka goysid,

Waa aabbe ubadkiisa u naxaya , daadihiya markuu dhallaan yahay , Baraha markay hana qaadaan ,u shaqeeya siday u noolaan lahaayeen ee aan u shaqaysan siduu u noolaan lahaa , u kaydiya geeridiisa dagaasheed si aysan gacmaha u hoorsan.

Waa sida Hooyo dhallaankay la dhul dhacday uurkiisa, la ooyday fooshiisa la ilmaysa kal gacalkiisa beerkeeda ka jecel , ka hor marisa nafteeda ,aan kabban intuu ka-boganayo, habaynkii u dhafarta dharaartiina u dheesha , ka dib seexata ka hor toosta , nuujisa naaskeeda naftiisa ku iloda nafteeda , xanuunkiisa la xanuun- sata , caafimaadkiisa ay caafimaad u tahay.

Waa kaydka Agoonta , waa kaaliyaha Masaakiinta , dhallaanka ku koriya , hana qaadka ku dhawra , waa sida qalbi ku jira laab la bukoota xanuunkiisa la bogsoota bilnaantiisa, Hoggaanka toosan wuxuu dhexda ugu jiraa Ilaahay iyo adoomadiisa , wuxuu maqlayaa hadalka Eebbe ayagana wuu maqashiiyaa,wuxuu u dhawaadaa Ilaahay iyagana wuu u dhaweeyaa , wuxuu naftiisa u hogaamiyaa Eebe wayne xaqiisa iyagana wuu u kexeeyaa oo cidlo kagama dhaqaaqo .

Kuma ciyaaro hantidooda , mana barakiyo bulshadiisa, gaajo iyo geeri kuma dhawrto dadkiisa , kuma tanaado baahidooda , kuma baashaalo barakacooda , waa u adeege ma ahan ka adeegte .

Ogoow Ilaahay wuxuu jeexay xad si loo duugo xumaanta iyo wixii la xarrimay , xukun kasta oo ilaahay jideeyay wuxuu sal u yahay nolosha dadka , xasuusnoow geerida iyo nolosha ka danbaysa ,marka lagu waydiiyo xoolahaaga xageed ka keentay , xoogaaga xageed ku bixisay .

Waxaad xasuusnaataa inaad leedahay Guri aan ahayn kan aad maanta dagan tahay waa aqal dhererkaaga ku jaan go’an ,waxaa ku sagootin kuwa dad kuugu jecel , durba waxay kaa xayuubin magac iyo maamuus waxaad lahayd gu’yaal iyo gu’yaal , waxaa lagu dhihi , sahay ku faraxad galisa diyaarso maalinta uu qofku ka cararayo walaalkii ,hooyadii, aabihii , caruurtiisa iyo xaaskiisa .

Marka lasoo qufo waxa qubuuraha ku jira dhulkana uu soo saaro wixii sir ku duugnaa ,gacantana laguu galiyo Kitaab aan dhibic aad dunida ku samaysay ka tagin maalinkaad qaan gaartay iyo maalintaad god gashay hadal ficil iyo fiiro waxaad samaysay oo dhan ay ku idil yihiin .

Inta aad nooshahay ee aysan rajadu kaa xirmin xariirka ilaahaygii kaa abuuray biyo uraya ha jarin oo ha ka jeesan jidkiisa , ha jaleecin jahanama lageega ibliis surinkiisa ,dadkaaga ha marin jidka naarta loo maro , kuwa isla wayn ha ku salidin kuwa taagta daran .

Marna ha milicsan awoodaada maanta markasta ha iloobin maalinta qoortaada la laabo ,maalinta aad taagan tahay Eebbe wayne hortiisa goob joogna ka yihiin Malaa’ig , Nabiyo ,iyo fariin sidayaashii Eebbe wayne , waa maalinta ay kugu marag furi xubnaha jirkaaga, maalinta wiilka dhashay cirro kasoo saaraysa, maalinta ay hooya kasta oo uur leh ay soo ridayso cabsi awgeed ,maalinta aan marna dib laguu soo celin doonin.
Ilaahayoow jidkii Nabi na qaadsii oo Jahanama ha noo gayn.

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
___________________________________________________________________________
Zaki Waa xubin golaha fulinta ee Ururka Wax-barashada Hidaha iyo Sayniska ee Dunida Islaamka .


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo