Kismaayo ka hor waa jilib

Published: September 15, 2012

Kn:Ciidamada huwanta ee ku sugan Jubbooyinka ayaa furin dagaal oo kale ka furay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Kenyaan ku qalabaysan gawaarida gaashaaman oo soo gaaray Afmadow ayaa cagta saaray jidka u baxa magaalada Jilib.

Ciidamadan oo isugu jiray kuwa cusub oo toos uga soo gudbay soohdinta iyo kuwa ka soo raacay Dhoobleey ayaa sida la sheegay duulaan ku ah magaalada Jilib oo ah magaalado istaraatiiji ah, xarakada Alshabaabna ay ku xoogan tahay.

Huwanta ayaa ku talo jirta inay xasiliyaan oo cagta wada mariyaan dhulka u dhexeeya Kismaayo, Afmadow iyo Jilib ka hor inta ayna cirbaha saarin magaalo xeebeedka Kismaayo.

Jilib waxaa ku sugan dad faro badan oo dagaalada ku soo wajahan dartood uga soo baro kacay Kismaayo, laakiin markani waxaaba muuqada Kismaayo ka hor in ciidamada huwantu ay damacsanyihiin in lagu kala baxo Jilib.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa