Beesha Absame ayaa nasiib u leh jagada Raisul Wasaaraha Soomaaliya? WQ Abdirahman Hormuud

Published: September 16, 2012

Waxaa maanta la marayaa xilli rajo iyo ifafaalo muuqdo waxaana illaahay mahaddii mudo 40 sano kabadan markii ugu horeysay ay Xamar marti galisey doorasho madaxweyne waxayna sidoo kale marti galisey isla markaana Muqdisho xaqiisey karaamadii Soomaaliyeed waana loo hanweyn yahay in eebbe uu inaga aqbalo ducooyinkii badnaa ee aan ku weydiisaneyney in eebbe markale na tuso dawladnimadii Soomaaliyeed ee karaamada badneyd iyo in illaahay uu ku sugo caddaaladda iyo xaqsoorka. Anigoo ka faaiideysanaya fursaddan qaaliga ah ee taariikhiga ah waxaa hubaal ah in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku faraxsanyihiin fursadahan wanaagsan ee soo muuqday waxaa kale oo hubaal ah inay jiraan arimo badan oo aan inoo cuntameynin gaar ahaan arimaha la xiriira Federaalka oo ah arin aan Soomaaliya usuuban, qodobo badan oo ku dhex milan dastuurka cusub oo ubaahan in laga saaro iyo qaacidada ku dhisan beeleysiga ee 4.5 oo aan hubo inay noqondoonto dawladdan midda ugu danbeysa ee ku dhaqanta. Waxay dhaantaa sidii hore waxaan Insha Allaahu rajeyneynaa guul iyo hormar iyo soo kabasho wanaagsan, dagdagna ah.

Shuruudahee laga rabaa Raisul wasaaraha cusub

Nuxurka qoraalkayga ayaa qofka uu noqon karo Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo shuruudaha looga baahan yahay iyo waliba qaaciddada qaabka daran ee 4.5 meesha uu kaga aaddan yahay. Waxaan ku celinayaa inaan kasoo horjeedo qaacidadaas balse ay tahay balaayo aan ku qasbanahay in maanta Soomaaliya wax ku xulaneyso. Haddaba intaanan u galin qaaciddada iyo dhiraandhirinta beesha uu ka iman karo waxaan ku leexanayaa shuruudaha looga baahan yahay qofka xilkaas haweysan kara.

Shardiga ugu horeeya ee shakhsigaasi waa inuu horta yahay qof lab oo Soomaali ah, ehlu diin ah, oo aan lahayn balwad noocey doontaba ha noqotee. Waa inuu yahay nin reer leh oo karaamo ku leh meesha uu dunida ka joogo. Waa inuu yahay aqoonyahan, hadal kar ah, daacad, jecel kuna faana Soomaalinimada. Midda kale waa inuu noqdo qof aan qabyaalad iyo nin jecleysi aan lagu aqoonin oo aan lagu sheegin waligiis. Dadwad maddaale ah oo aan runta ka laabanin waa inuu ahaadaa. Waa inuu noqdo qof aragti iyo faham wanaagsan ka heysta wanaagga Soomaalinimada waana iney damqayso dhibaatada Soomaaliyeed dal iyo dibadba kana mid ah dadka hadh iyo habeen ku hawlan iney umadda wax u qabtaan ubaahan. Waa inuu leeyahay karti uu cadaw iyo saaxiibba kula hadli karo kuna kala garan karo waana inuu yahay qof usiman Soomaalida oo dhan meelkasta iyo muunad kale.

Maaddaama oo maanta Soomaaliya uu ka dhacay isbaddal Siyaasadeed uuna yimid madaxweyne aan horey loo aqoonin loona saadaalinin waxaan ubaahanahay Raisul Wasaare cusub oo isagana aan la aqoonin balse leh aqoon heer sare ah iyo karti hufan waana inuu noqdaa nin aqoon iyo xirfad dheeri ah uleh garashada shaqadiisa iyo fulinteeda waana inuu noqdaa nin leh aragti dheer iyo siyaasad hormarineysa danaha Soomaaliya. Waa inuu leeyahay siyaasad dhaqaale oo ku saleysan wax soo saar dalka gudihiisa iyo xoojinta iskaashiga sinaanta ah ee waddamada dariska ah waana inuusan noqonin mid loo yeedhiyo ama waqtigiisa ku qaata socdaal iyo wareeg micna la aan. Waa inuu yahay qof xambaari kara karaamada iyo isla weynaanta Soomaalinimo. Waa inuu noqdaa nin u diyaarsan inuu horseedo sidii dastuurka loo sixi lahaa loogana saari lahaa qodobada khilaafka ku ah diinta Islaamka waana in shakhsigani uu ka fogaado khilaaf dhexgala isaga iyo madaxweynaha iyo golahiisa wasiirada.

Raisul Wasaaruhu waa muraayadda Soomaaliyeed marka waa inuu noqdaa nin lagu faano aqoontiisa, hadalkiisa iyo hawshiisaba waana inuu ahaadaa shakhsi la falgala Soomaalida gaar ahaan kuwooda tabarta daran. Waa inuu noqdaa nin awood u leh inuu hor istaago qorshayaasha xun ee laga yaaabo iney shakhsiyaad awood isbadaya la yimaaddaan isla markaana caddeyn kara safarka dheer ee umadda Soomaaliyeed lagu badbaadinayo.

Haddaba Beeshee?
Qaaciddada xun ee 4.5 waxey Soomaalida ku tahay meel ka dhac waana midda sheegeysa in reero gooni ah ay noqon karaan madaxweynaha dalka iyo Raisul Wasaaraha Soomaaliya meesha qaarna aysan dhaafi karin iney helaan wasiirkii loo garto. Arintani ma jirto meel ay kaga qoran tahay dastuurka Soomaaliya haddana waxaad mooddaa iney tahay mid la aqbalay oo maanta qofkaad weydiisaba waxuu odhanayaa ree hebel ayaa xaq u leh Raisul Wasaaraha. Haddaba haddii aan marnaba lagama maarmeyn in waxa yaalla la qeexo waxaa dhiraandhirineynaa beesha heli kareysa xiligan.

Beesha Direed

Ugu horeyn beesha Direed way kala qaaran tahay waxaana miisaankeeda marwalba hoos u dhiga maqnaanshaha Somaliland oo aan iyagu wali doonta so fuulin. Beeshani maaddama oo lasiiyey darajada midkamid ah 4ta waxay tahay iney helaan jagadaas iyo midda madaxweynaha. Laakiin iyadoo sidaas tahay mar haddii aad mooddo in qaacaddii hore ay ku noqotey oo madaxweynuhu ka yimid beeshii hore ee Sheekh Shariif waxaa iyana si aan lagu tashanin loo sugayaa in Raisul Wasaaruhuna noqdo beeshii kal hore.

Beelaha 5aad iyo Digil iyo Mirifle

Beelaha shanaad iyaga dulmi aan caadi ahayn ayaa saaran illaahayna wuu arkaa kadibna waa hawl uwada taalla umadda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta iney ka saaraan dalka dulmigaas. Iyadoo aan lagu tashanin haddana ma muuqata inuu Raisul Wasaaraha laga sugayo beesha 5aad. Beesha Digil iyo Mirifle iyaga Kaarkoodii waxaa qaatay gudoomiyaha baarlamaanka ee Jawaari lamana filayo in Raisul wasaaruhu ka yimaaddo beeshaas.

Beesha Daarood
Beeshan ayaa iyaduu isa siineysa iney qaadato jagadaas balse heshiis kuma ahan beesha la kici doona. Iyadoo goaanka kama dambeysta ah ay u taallo madaxweyne Xasan haddana waxaa muhiim noqoneysa in talo la geysto booskaas. Beesha Daarood waxaa ugu kurkur roonaa beesha Puntland maamusha oo aan iyagu marnaba ka gaabsan iney hamigooda qariyaan. Waxaa kale oo iyana suxul duubka ku jira beesha Sade iyo beesha Absame. Saddexdan beelood oo kaliya ma ahan beesha Daarood balse iyagaad mooddaa iney ka xishoon waayeen beelaha yaryar ee laga yaabo iney ka tayo badan yihiin. Haddaba sidee ayay saddexdan beelood ukala safan yihiin marka la eego  fursadda Raisul Wasaare.

Beesha Majeerteen waxey soo qaadatay laba Raisul Wasaareiyo madaxweyne intii lagu jirey xiliga kala guurka ah iyagoo ka horna soo maray madaxweyne iyo Raisul Wasaare ka hor burburkii Soomaaliyeed. Wanaag iyo xumaan waxii ay lahaayeena waa la arkey. Beesha Sade waxey heshey Raisul wasaare intii burburku dhacay oo ahaa Farmaajo ka horna 21 sano ayay waddanka xukumeen. Iyaguna fursaddoodii qaate xiligan.

Beesha Absame
Haddaba beesha aan wali helin sadkeeda waa beesha Absame oo door wanaagsan ku leh geeska Afrika gaar ahaan labada waddan ee Soomaaliya ku xeeran. Maaddaama maanta Soomaaliya u baahan tahay in xal loo helo xiriir wanaagsan oo nabadeed iyo dhaqaalana ay tahay in lala sameeyo waddamada dariska ah waxaa muhiim ah in beeshani hawl muhiim ah ka ciyaari kareyso xiliigan. Ujeedku ma ahan iney beeshani tahay mid ka wanaagsan Soomaalida kale kagana haboon balse waa muhiim in meertada maamulka Soomaaliyeed loo sinaado oo aysan kuwa qaar ah oo qaylo wax ku qaata aysan helin xaq aysan lahayn. Beeshani waxey dagtaa saddexda waddan ee dariska ah xumaanta iyo dhibaatada waddamadaasi si weyn ayay usaameysaa sidoo kale wanaagga waddamadaasina sidoo kale ayay usaameyneysaa. Sidaas darteed waxaa hubaal ah iney dareen dheeri ah iyo taxaddar badan ku eegi doonaan xasiloonaanta geeska Afrika. Soomaaliya uma baahna colaad iyo dagaal kale oo aan muhiim ahayn balse marna sharafta, xadka iyo karaamada Soomaaliyeed waa muqaddas. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo Soomaali ay ka goantahay Soomaalinimadu, Soomaali diinteena dhawra kana hormariya waxwalba, Soomaali Soomaali ah.

Abdirahman Ahmed Hormuud
hormuud232@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
War saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland oo lagu ogolaaday war murtiyeedkii IGAD
Kismaayo oo dagaal laga iclaamiyey
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose