Kn:Waxaa magaalada Muqdisho ka socda xaflad balaadhan oo lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isla markaana uu xilka kagala wareegayo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madasha lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub waxaa kasoo qaybgalay madax ka socota dawladaha ku jira IGAD iyo wakiilo badan oo ka yimid caalamka iyo qaramada midoobey.
Waxaa kale oo goob joog ah jaamicadda carabta, dalka Iiraan, Madaxweynaha Jabuuti iyo raisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia oo shalay uun loo magacabaay inuu si rasmi ah ula wareego xilkaas.
Sidoo kale waxaa goob joog ahaa kuxigeenka ra’iisul wasaaraha Turkiga, wakiilo ka socday dawladaha Ugandha, Kenya, Tansania, Sudan iyo dalal kale oo afrikaan ah iyo carab ah.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Xamar lagu doortey, laguna caleemo saarayo muddo 40 sano kadib ah.