Haweeneey Soomaaliyeed oo xaamilo ah oo lagu kufsaday, laguna diley K/Afrika

Published: September 16, 2012

Kn: Magaalada Port Elisabeth wararka ka imanaya waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu aasay gabar Soomaaliyeed oo xaamilo ahayn oo inta la kufsaday, kadibna la diley.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KismaayoNews u sheegey in gabadha loogu galay gurigeeda, oo ay kaligeed degeneyd, kadibna inta lagu kufsaday la diley si loo tirtiro cadaymo ku saabsan cidda falkaasi ka dambeysay.

Falkani waxa uu ka dhacay xaafadda Uitenhage ee Port Elisaberth oo Soomaali badan degentahay, ganacsiyana ku heeysato, wararkuna waxa ay sheegayaan in kooxo daroogoostayaal ah oo kazoo jeeda qoowmiyadda midabka in ay daris la yihiin halka ay gabadha degeneyd, waxaana jirtey in gabdhaha ay cabasho gaarsiin Soomaalida qaar cabsiga ay ka qabaan dadkaasi.

Police-ka ayaa baaritaano ku haya dhacdadani oo ruxdey Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

Sanaddii 2008dii ayay ahayd markii sidan oo kale inta la kufsaday hooyo iyo gabadheeda oo 12 jir ah, kadibna la diley iyagoo iyo labbo wiil oo aan qaangaarin oo ay dhashay hooyadaasi oo dukaan ku lahayd magaalada Queenstown.

2 qof ayaa xabsi daa’in loogu xukumay dhacdadaasi oo ahayd tii ugu foolxumeyd ebed, iyadoo qoyska intii hartayna dib u dejin laga siiyey wadamada reer Galbeedka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto
Madaxweynaha Jubbaland oo wafti qaabiley
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari