Kn: Dowladda Kenya oo noqotey dalkii ugu horeeyey oo wafti heersare ah u direy Soomaaliya 48 saac gudahood markii la doortey madaxweynaha cusub ayay haatan dad badan la yaabanyihiin sababta ay xitaa ergey ugu soo diri weysey munaasabaddii caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maanta.
Lama oga sababta rasmiga ah ee arrintani kaliftey, laakiin wararka ay heleyso KismaayoNews waxa ay farta ku fiiqayaan in laga yaabo in isfaham-daro cusub ay kala soo dhexgashay Kenya iyo madaxweynaha cusub taasi oo ku saabsan Ra’isulwasaaraha uu madaxweynaha xulanayo, isagoo la sheegey in uu diidey soojeedin Kenya ay u jeedisey.
Waxaa kale oo sababta loo badinayaa qarax lala eegtey madaxweynaha xili uu qaabilayay wafti heer wasiir ah oo Kenya ka socdey.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo, waxaana jira muran labada dal u dhaxeeya oo ku saabsan ceelal shidaal oo Jubbada Hoose laga baarayo.
Ma jirto sharaxaad dowli ah oo laga bixiyey arrintani.
KismaayoNews.com
| UGU DAMBEEYEY |
| FIIDSOOH : Riman iyo Ceeb |
| Madaxweynaha Jubbaland oo Kenya u duulaaya |
| Baarlamaanka oo la aamusiiyay |
| Ciidanka Jubbaland oo hawlgalay |
| Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’ |