Kn:Wararka hadda soo dhacaya ayaa sheegaya in magaala xeebeedka Kismaayo ay tahay mid ay ka haajireen raggii dhawrkii sano ee udanbeeyey ka talinayay kadib dagaalo is xigxigay oo loo xoog sheegtey xarakada Alshabaab markii Cir dhul iyo waliba badba laga weeraray ayna u tol iyo tabarwaayeen iney iska caabiyaan xoogga huwanta.
Saaka oo ahayd Isniin ayaa markale dagaal kadis ah ka qarxey birta dheer oo ahayd meelihii ugu danbeeyey ee difaaca Alshabaab yaallay waxaana magaalada Kismaayo laga soo sheegeyaa iney ka baxeen iyagoo si halhaleel ugu baxey jihada Xamar balse ku balansan iney dagaal warwareeg ah la galaan xoogagga Huwanta oo dhawr jiho kasoo wajahan.
Ciidamo badan ayaa hoganaya deegaanka birta Dheer meel dusheeda ah meesha kuwa kalena ay ku baxeen dhnka Jilib maalmo ka hor. Ciidamada Alshabaab ayaa waxaa kale oo kusoo socda dhanka Xamar ciidamada huwanta ah oo jooga Marka meesha kuwa gobolada Gedo ay iyaguna kusoo socdaan Baardheere.
Alshabaab waxey joogaan magaalada Buaale, Jilib, Xagar, Jamaame iyo Baraawe marka laga reebo tuulooyinka ay hoos ahaan uga taliyaan meesha ciidamada huwanta ahi ay gobolka Jubada Hoose intiisa badan dabada marsadeen.
Kismaayo oo ay huwantu galaan dhib badan hadda kama jiro balse waxaa la isweydiin doonaa sidee loo maareyn doonaa yaase mudan maamul usameynta Kismaayo iyo gobolada Jubooyinka.
Fiidsooh ka warsuga isagoo kala furfuri doona xaaladaha ku xeeran Kismaayo