Askari ka tirsan Alshabaab oo iska soo dhiibey Afmadow

Published: September 17, 2012

Kn:Waxaa maanta salaaddii duhur waxyar kadib magaalada Afmadow soo gaadhay askari ka tirsan ciidamada Alshabaab oo isagoo qorigiisa wata isku soo dhiibey ciidamada huwanta ah oo hadda wareysi kula jira.

Askarigan oo aanaan wali helin magaciisa ayaa sheegey inuu kasoo kicitimay Koox Alshabaab oo magaalada dul dagganayd uuna go’aansadey inuu isa soo dhiibo. Sida la sheegayo, askari ayaa sitay qori nooca fudud ah iyo boosh, rasaasta uu ku watayna ay aad u yarayd wuxuuna ku sababeeyay inuu iskaga difaacay dhawr nin oo laga soo daba diray kadib markii la ogaaday inuu soo baxsaday.

Dagaalo adag ayaa shalay ka dhacay meelaha la isku horfadhiyo waxaana marwalba dib u qarxi kara dagaal.

Lasoco KismaayoNews


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo
Labbo qof xoolo dhaqato ah oo lagu diley suuqa xoolaha Kismaayo
Xaawo Wiilo iyo seeygeeda Faarax Feyte ayaa dil ka geystey Kismaayo
Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo taliskooda la’isku heysto