Yuusuf Qeybdiid, Seeyga gabadhii xaamilada ahayd ee la kufsaday, lana diley

Published: September 17, 2012

Kn: Waxaa waraysi bixiyey seeyga haweeneey Soomaali ah oo dhawaan inta la kufsaday, kadibna ceejo lagu diley.

Yuusuf Qeybdiid C/raxmaan oo gabadha ay isku cusbaayeen, gabadhuna ahayd ugub, markaasi ilmihii ugu horeysey uur lahayd ayaa sheegey in markii uu falka dhacayay uu ku maqnaa meel meherad ah oo uu ku lahaa tuulada Humansdorp ee gobolka Eastern Cape, iyada oo gabadha ay wehel u ahaayeen gabdho kale oo laakiin nasiib daro habeenkaasi aanan la jiifsanin.

Gabadha la diley oo qoyskeeda ku dhaqanyihiin magaalada Qabridahare ee gobolka Soomaalida, ayaa lagu magacaabi jirey Nasro Maxamed Qamaan, waxayna dilkeeda caro weyn galisey Soomaalida ku dhaqan Port Elisaberth ee koonfur Afrika kuwaasoo Police-ka la dagaalamay markii gabadha meydkeeda laga heley gurigeeda subaxnimadii sabtida.

Maxamed suufi oo isagu ah qaraabada gabadha ayaa falka dhacay ku tilmaamay foolxumo iyada oo kale aanan la arkin.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in la tuhunsanyahay kooxo daroogiisteyaal ah oo K/Afrika u dhashay oo guriga daris kula ahaa qoyska, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in guriga gabadha ay deganeyd ninkii lahaa uu horey xoog oga saaray qoys bixin waayay kirada guriga.

Gabar Soomaaliyeed oo ahayd tii ugu horeysay oo dul istaagta meydka ayay saakay Police-ku waraysanayaan, iyadoo arrintani ay soo jiidatay dareenka dowladda gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika.

Marxuumadda, Nasro Maxamuud Qamaan ayaa la sheegay inuu awoowe u ahaa Gabayaagii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Qamaan Bulxan.

Cabdinaasir Saxansoxo

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta