Kn: Afayeenka ciidamada Kenya Cyrus Ogunu oo hadlay ayaa sheegey in weerarka ay qorshaynaaan in uu noqdo mid ciidamada dhulka, cirka iyo badda ay ka qeybqaadan doonaan.
Waxa uu intaasi raaciyey in Shabaabka ay ka carareen magaalada, iyagoo furfurtey idaacadii halkaasi afkooda ku hadli jirtey.
Waxa uu dadka shacabka ee Kismaayo iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsaday in ay isaga baxaan si ay oga badbaadaan dagaalada la filayo in ay halkaasi ka dhacaan.
Oguna waxa uu odorosey in aysan jiri doonin dagaalo iyo iska caabin kala kulmi doonin Kismaayo maadaamaa Shabaabka uu jab weyn soo gaaray.
Shabaabka ayaa dhigaya miinooyin si ay u ragaadiyaan socodka ciidamada ee dhanka Kismaayo, sida uu qabo Oguna.
KismaayoNews.com