Madaxweynaha oo qaabilay wafuud caalami ah

Published: September 18, 2012

Kn:Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafuud ka socotay dalka Sweden iyo Qaramada Midoobay ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxa uu u dhignaa sidan;

WARSAXAAFADEED:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gunilla Carlsson ayaa ka wada hadlay isbeddelka dalka ka jira iyo dowrka beesha caalamka, ayadoo diiradda la saaray in dowladda Soomaliya ay si toos ah ula macaamisho dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

“Waxaan aad iyo aad uga wada hadalnay in sidii hore ee Soomaaliya loo kaalmeyn jiray ama loola shaqeyn jiray wax badan laga beddelo oo dowladda si toos ah loola macaamilo, maadaama hadda xilligii ku meel gaarka ahaa aan ka soo baxnay, taasna way ballan qaadeen”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden oo uu uga warbixiyay duruufaha dalka ka jira oo ay ka mid tahay xaaladda Bani’aadamnimada iyo sida ay tahay in loo wajaho.

“Aad iyo aad ayaan ugu faahfahinay uguna caddeynay in wixii ka sokeeya in dowladda toos loola shaqeeyo aysan waxtar badan u lahaaneynin Soomaaliya, ayaguna way nala qaateen wayna nala fahmeen” ayuu yiri madaxweynuhu.
- Dhamaad –

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Hordhac : Xog aan ka helney gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay
Duulimaadkii Kismaayo iyo Xamar oo dib u furmey
Ciidamo ka socda Sierra Leone oo soo gaaray Taabdo, Jubadda Hoose
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia