Kadib dagaalo maalmo kasocanayay gobolada Jubooyinka ayaa isugu soo biya shubtey duleedka magaalada Kismaayo iyadoo ciidamada huwanta ahi ay kulaalayaal magaalada ayna kusugan yihiin tuulada Janaa Cabdale oo waxkayar 60 KM u jirta magaalada Kismaayo. Ciidamadan huwanta ah oo aad ubadan taageerana ka helaya diyaaradaha dagaalka ee waddanka Kenya ayaa si qorsheysan balse gurguurad ah ku socda.
Markii dagaal lagu hoobtey uu ka dhacay agagaarka Birta dheer ayaa waxaa subax dhaweyd la arkey iyadoo magaaladii Kismaayo ay haawatay oo ay dhamaan ka baxeen ciidamadii Alshabaab. Idaacadda afka Alshabaab ku hadasha ayaa iyaduna markaliya hawada kabaxdey taasoo ay dadka qaarkood u maleeyeen iney Alshabaab magaalada isaga baxeen ayna ka meel daydeen. Balse subaxnimadii ahayd Arbacada ee bishani ahayd 19kii Bishan Sept ayaa lagu soo toosey iyadoo ay magaalada ka buuxaan ciidamo Alshabaab ah oo ku jooga gaadiid hubeysan waxaana markale dhagaha Shacabka daggan Kismaayo ay maqleen codkii ay yaqaaneen sanadihii u danbeeyey ee Idaacadii Andalusiya.
Ciidamo aad ubadan ayaa soo gaadhay Kismaayo iyo gaadiid badan oo dagaal kuwaasoo sheegey iney ku dagaalami doonaan magaalada Kismaayo oo aysan ciyaar uga baxeynin haddii ay ka baxayaana dhiig badan ayaa ku daadan doona sidaas waxaa yiri Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka Alshabaab.
Ururka Alshabaab ayaa magaalada Xamar ka daldashey oo isaga baxay, Balcadna ka baxay haddana la sugayaa iney ka baxaan magaalada jawhar iyo magaalooyin badan oo aysan ku dagaalamin. Sidioo kale waxaa u danbeysay magaalada Marka oo ay isaga huleeleen Alshabaab iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin. Haddaba su aasha la isweydiin karo ayaa ah maxaa Kismaayo dhiigga loo daadin oo loo burburinayaa haddii magaalooyin badan si dhib yar looga baxay maxayse galabsatay Kismaayo iyo shacabkeedu?
Xarakada Alshabaab miyey ka jecelyihiin Kismaayo, Mise wax kale ayaa jira? Xarakada Alshabaab ma ujeedooyin badan ayay leeyihiin. Haddey Xamar kasoo baxeen iyadoo aan xoog looga saarin, maxaa Kismaayo loogu hardamayaa shacabbka dhexdiisa. Su aalahan jawaabtooda waxaan u dayneynaa akhristayaasheenu iney ka fikiraan.
KismaayoNews waxey aaminsantahay iney adagtahay in lagu dagaalamo magaalada Kismaayo dhexdeeda haddiiba banaanka lagu kala adkaado, balse waxaa muuqata in hadalka Sheekh Cali Dheere uu micno badan sameyn karo oo ah Kismaayo halagu riiqmo balse Xamar iyo Markana si fudud halooga baxo