Qusulkii Safaaradda Kenya oo geeriyooday

Published: September 19, 2012

Kn:Qusulkii safaaradda Soomaalida ee ku taala dalka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa geeriyooday.

Maxamed Cismaan oo ahaa qusulka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Nairobi. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa in mudo ahba la dhulyaalay xanuun hayay, waxaana dalka Talyaaniga mar loogu qaaday in lagu soo dabiibo.

Maanta ayaa lagu aasay Nairobi, ayadoo aaskiisa ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo waliba dad isugu jiray, ehelo, saaxiibo iyo bulshada caadiga ah.

Maxamed Cismaan wuxuu door muhiim ah ka cayaaray soo celintii dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd dalka Kenya oo horaantii sagaashameeyada la bililiqaystay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Haweeney Kismaayo ku dishey 2 askari
Tix gabay ah oo tilmaamo wanaagsan ka bixineysa Macalin Dhoodaan
Soomaalida oo cabasho geysey baarlamaanka K/Afrika + Video
Xamar oo Kismaayo kudd ooga soke maray
Waa ceynkee dareeska ciidanka cusub ee Jubbaland?