Kn:Xaaladda goobihii maalmihii u danbeeyey lagu dagaalamayay ayaa daggan kadib markii ciidamada Alshabaab ay dib ugurasho kasameeyeen tuulada Janaa Cabdalle. Illaa iyo hadda oo aan qorayno warkan ciidamada huwanta ahi maysan galin tuulada Janaa Cabdalla waxey kusugan yihiin duleedkeeda waxeyna ku sii jeedaan dhanka magaalada Kismaayo iyadoo aan la ogeyn goorta ay udhaqaaqi doonaan.
Midkamid ah saraakiisha ciidamada Jiidda hore kusugan oo aan khadka Telka kula xiriirnay ayaan wax ka waydiinay xaaladda ayaa noo sheegey iney joogaan duleedka Janaa Cabdalle ayna rabaan iney horey usocdaan. Sarkaalkan ayaa noo sheegey in maalmihii ugu danbeeyey dagaaladii ka dhacayay aaggaas ay ciidamada Soomaalida kaga dhinteen 13 askari ” Soomaalida waxaa ka dhintey 13 askari, dhinaca ciidamada Kenya dhaawac mooyee ma jiro wax dhimasho ah” ayuu yidhi sarkaalkan oo ka gaabsadey inaan magaciisa shaacino.
Dhanka kale xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah mid daggan oo ka dagan sidii shalay kadib markii xalay ay dib ugu soo laabteen ciidamo Alshabaab ah iyadoo idaacaddii Andulusna ay dib hawada usoo gashay.
Illaa iyo hadda ma cadda goorta ay ciidamada huwanta ahi horey usocondoonaan waxaase wali muuqata in xarakada Alshabaab ay difaac adag kusii jiraan. Bishii Oct 1-eedii sanadkii 2009 ayay ahayd markii dagaal udhaxeeya Raaskambooni iyo Alshabaab uu ka qarxay magaalada Kismaayo waxaana muuqata in ciidamada Huwanta ahi ay rabaan magaalada Kismaayo iney galaan kudhawaad ama isla maalinkaas taasoo ka dhigeyso in saddexsano oo buuxda kadib ay soo laabteen.
Waxii soo kordha kala soco Kismaayo