Kn: Ugu yaraan 14 qof oo ay ku jiraan warfidiyeeno caan ah oo bulshada indhahooda ah ayaa lagu diley qarax ismiidaamin ah oo lala eegtey maqaayadda Village Restauran ee Xamar Weyne.
Wariyeyaasha geeridooda la xaqiijiyey waxaa ka mid ah agaasimihii Idaacada VOA Radio Xamar Cabdi Raxmaan Yaasiin , Wariye Cabdisataar Daahir Sabiye oo ah Wariye Ka Tirsan TV ga Qaranka Somaliya iyo liibaan Cali Nuur oo Isna ah Wariye ka Tirsan Tvga Qaranka iyo Radio Muqdisho ,Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Wariyaal kale uu kujiro C/Laahi Suldaan oo ka shaqeenayay Idaacada Kulmiye.
Dhaawaca ayaa isbitaalada loola cararay, iyada oo police-ka ay isku hareereen goobta.
Lama oga sababta qaraxa ka dambeysa, iyada oo aysan jirin mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo xilal sare haya oo halkaasi ku sugnaa.
Wariyeyaasha la diley ayaa ahaa indhaha bulshada, iyagoo amaan iyo bogaadin ku muteystey shaqada ay bulshada u qabteen, gaar ahaan tabintii aan hagarta lahayn ee doorashooyinkii dalka dhawaan ka dhacay.
KismaayoNews.com