Qarixii dhacay, waa nabad sugida oo aan hawshooda qabsanaynin

Published: September 21, 2012

Kn: Shalay qarixii lagu laayay wariyeyaasha iyo shacabka iyo waliba kii ka horeeyey ee madaxweynaha lala eegtey ayaa qeyb ka mid ah mas’uuliyadda dusha loo saarayaa hey’adda nabad sugida kadib markii uu qalqal ku yimid habsami u socodkii shaqada hey’adani.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in madaxweynaha cusub ee la doortey uu shaki galiyey hogaanka hey’adda oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore, waxaana farta lagu fiiqayaa in isbadal xagga hogaanka ah oo cabsi laga qabo darteed shaqada hoos loogu dhigey.

Hey’adda waxa ay ahayd tan ugu shaqada badan, iyadoo fashilisay qaraxyo iyo falal badan oo amaan daro ah, waxayna tani keentey in bilo badan aysan qaraxyo ka dhicin dalka.

Waxa ay xitaa hay’adda awooday in ay joojiso wax ka badan 80 isku day oo lagu qarxin lahaa ama rag hubeysan ay ku weerari lahaayeen doorashooyinkii dalka ka dhacay sida ay bogani u sheegeen ilo wareedyo CID-da ka agdhow.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Waftigii IGAD oo gaaray Kismaayo kulamana galay
Xamar, kulankii IGAD iyo dawladda
Sheekh Shakuul “Waan ku qanacsanahay madaxweynenimada Axmed Madoobe”
Madaxweyne Axmed Madoobe oo la caleemo saaray
Dowladda : Waan joojiney waanwaantii Kismaayo, talaabo ayaan qaadaynaa