275 laga jaray 1 = 276

Published: September 22, 2012

Kn: Bil iyo labbo maalmood kadib markii fadhigii ugu horeeyey uu yeeshey baarlamaanka Soomaaliya ee rasmiga ah ayaa waxaa caawo la diley xildhibaankii ugu horeeyey.

Dilka waxa uu ka dhacay xaafadda Cali Boolaay, oo loogu magacdaray halgamihii SYL, iyada oo kooxo hubeysan ay bastoolad la dhaceen xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Mustaf Xaaji Maxamed.

Waxaa xusid mudan in xildhibaankani uu yahay sodoga ama aabaha mid ka mid ah xaasaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaana jirtey in ku biiristiisa baarlamaanka ay horey u dhalisey muran, iyada oo la sheegey in Sheekh Shariif uu saameyntiisa madaxweynenimo uu ku meelmariyey xildhibaanimada odaga.

Caawo tirada baarlamaanka waa 276 xildhibaan xildhibaanka ka baxay dartiis, kaasi oo lasoo buuxin doono booskiisa.

Dilkani ugu dambeeyey waxa uu hoosta ka xariiqayaa falal amaandaro oo caasimada kusoo badanaya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Mooshinkii lala noqey, laakiin mar kasta waa lasoo celin karaa, xitaa berri
Jubbaland : Hadal is burinaya oo kasoo baxay Ethiopia
Norway “Kenya kuma taageereyno qaadashada dhul Soomaaliyeed”
Way dhibanyihiine u dhimriya!
Olole nadaafadeed oo ay qeyb ka yihiin ciidamada oo ka biloowmey Kismaayo