Kn:Magaalada San Diego ee cariga Maraykanka waxaa ka dhacday xaflad si wanaagsan loo agaasimay, taasi oo lagu soo dhawaynayay madaxweynaha cusub ee dalku yeeshay Mudane Xasan Sh. Maxamuud.
Xafaladda waxaa laga dheehan karay muunadda iyo maamuuska hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Hadaba gunaanadkii xafladda nuqul warsaxaafeed ah oo ka soo baxay, kaasi oo soo gaaray barta warqabadka ee KismaayoNews ayaa u qornaa sidan;
XAFLADDII SOO DHAWEYNTA MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH MAXAMUUD EE KA DHACDAY MAGAALADA SAN DIEGO, CALIFORNIA
SEPTEMBER 16, 2012
_____________________________________________
BAYAAN LAGU TAAGEERAYO:
DAWLADDA FEDERAALKA SOOMALIYEED
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD
GUDOOMIYAHA BAARLAMANKA PROF. MAXAMED CUSMAAN JAWAARI
Maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka Sebtembar 2012 waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan San Diego iyo nawaaxigeeda ay qabteen xaflad lagu taageerayo dawladda cusub ee Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.
Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa in xilkaa loo doortay uu u fududeeyo ayna ugu adeeggaan bulshada Soomaaliyeed si cadaalad, midnimo, iyo sinaani ku dheehan tahay.
Jaaliyada Soomaliyeed ee San Diego iyo Nawaaxigeeda ku Nool.
San Diego, California