Mudane Madaxweyne guushaada waxay ku xirantahay tilaabta koobaad ee aad qaado

Published: September 26, 2012

Mudane waxaa lagu doortay 10kii bishaan maalin ka horna waxaad golaha shacbka ka hor sheegtay dhowr qodob sida dhaqaalaha,amaanka caafimaadka,wax barashada,musuqmaasuq la dagaalanka&eexda in aad ka fogaan doondo.

Mudane xilka waad ku guuleysatay maankase waa in aad ku haysaa qodabadii aad shacabka hawada u marisay waan hubaa in ay kuu qoran yihiin qodobadaas qorshe howleedkaadana ay ka mid yihiin,waxaase xisid mudan in ay ku horyaalaan buuro ay ka dulbaxeen musuqmaasuq,qabyaalad,dad nin jeclaysi horey u bartay,xilka loo magacaabana u haysta in ay qabiil u hayaan marka ma sahlana mudane in si sahal ah loo abaaro waxay u baahan yihiin in loo wajaho si miir qab ah, kafiirsasho buuxda xambaarsan si hoosana loo turxaan bixiyo waxaa horey loo yiri “ mijo ari midba mar ayaa dhiiqo laga baxshaa”.
Mudane waxaa laguu muujiyey soo dhaweyn balaaran, hambalyana hawadaa laguu soo mariyey sidii aad adigaba aad hawada ugu marisay,waa fursade ogow waxaa in taa dheer talooyinka ay war baahinta ay kuu soo marinaayaan shacabka wax garadkiisa, aqoonyahankooda & siyaasiintuba xataa waxaa talooyinkaa ka qayb qaatay musharaxiintii aad xilka kaga guuleysatay taana maaha in aad beerdareyso, kudarso waxaad haysataa fursad kuu saamaxaysa in aad mudo afarsano hogaamiso dad u ooman dowlad wanaag, cadaalad, waayo dadkaan waxaa deeqda waa cadaalad, dadkaad & dalkaan waxaa muuqaalkoodii sidaan u badalay waa cadaalad daro,mudane dadkaan is badal & wax qabad wadasocdo ayey u baahan yihiin golaha shacabkana sidaa ayaad ka horsheegtay waxaan filaayaa xasuus qorkaada waa ay kuugu qoran yihiin waxa ku horyaalo.

Hadabo waxaa lagaa sugaayaa in aad magacodo Ra’isul wasaare aqoon,karti, sumad ku dhax leh bulshada kana damqaaya shabakiisa daruufaha fara badan ay halakeeyey, waa in uusan noqon shaqsi huwan qabiil & nin jeclaysi dushana suud qaran xiran taana waxaa lagu kala ogaan karaa waxqabadkiisii hadii uu wax soo qabtay hadii kale soomaali waa ay is taqaanaaye xogta si hoose u dhuux oo xooraanso haddii aadan sidaa yeelin waxaa hubaal ah in aad la kowsaneyso isqab qabsi sidii kuwii kaa horeeyey ayey qabsatay maxaa yeelay halka aad hiigsaneyso ayuu hilinkeeda ayey ku dabamarinaayaan, sow arintu kaa noqon mayso hada & koow turubka baandhee! Marka si wanaagsan kaga fiirso soomaalidu waxay horey u tiri “nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin” taa horey ayaan uga daalney mudane, midkale ogow beelaha soomaaliyeed qaarbaa isku garbinaaya anagaa ka mudan kuwa sidaa leh codkooda ha dhagaysan maxaa yeelay ma noqon doono mid wax dhisaaya waayo qof ku leh anigaa mudan bari geedigu xageebuu ku furaayaa? Reerkaas looma sahan tagin, bulshada intooda badan dhagayso oo kala haadi oo kala gur oo kudarso agartidaada shax siyaasadeed misana qaado ookiyaalo aragiisa sareeya oo aan ahayn madaxdii kaa horeysay kii u xirnaan jirey ku fiiri, sidaas haddii aadan yeelin doonta waa ay nalawada dageysaa siiba adiga waayo waxaad lumineysaa taageeradii baaxada lahayd dadkuna waxay oran doonaan isbadal ayaan u baahanahay madaxdii kaa horeysana sheeda sare ayey ka dhoolacadeyn doonaan.
Mudane waxaan hubaa in ay dad badan kugu xoonsan yihiin dhamaantoodna ay wax kuu sheegaayaan wax sheeg soomalidu kama idlaato waayo waxay ku soo afjaraayaan wax sheegeedu anigaa mudan marka waa in aad leedahay shaqsiyaad kula taliyo maxaadse ku xulaneysaa kuwaa ayaga ah ma waxaad ku xulaneysaa bari ayaan wada shaqayney mise waa saaxiibkay mise waa xigto hoose oo xeendaab ayuu ii noqonaayaa. Xasuusnow qudbadaadii kuma jirin ka hor inta aan lagu dooran, mise waxaad ka dhiganeysaa mid soomaalinimada ku weyn tahay aqoon & waayo aragnimo duruqsan u leh nidaamka dowliga ah ku darso waa in uu yahay waadi daacadu agtaalo xataa %20 ku siidarso waa in uu kula da’a ahaadaa ama kaa waynaadaa siiba in uu kaa weynaado ayaa ka sii wanaagsan shaqsigaan ha u eegin beel, saaxiib deegaan sharuudahaan u eeg oo kali ah kolay soomaali lagama eed beelaayee. Talooyinka intaa waa ay ka badan yihiin laakiin qalinka & qaranka oo wada socda ayaa iidiidaaya in aan wada shaaciyo laakiin intaan ayaa inooga filan.
Mudane shaqsiga aad Ra’isul wasaaro ka dhigaysa waa in uu yahay mid la jaan qaadi karo xaalada dalka uu maraaya misana garabkiina buuxin kara adiga & mudane Jawaari, miisaankiisana iska cabir tan kale jeeb weyn miyaa u tolan bal eeg jeebkiisa misana waa in uu miisaan siyaasadeed mid dhaqaale & mid wada tashi & ismaqalba leh uu lee yahay taa hadii la helo mudane bulshadaan kor kuu soo eegaysa waxay ka gudbi kartaa buundadaan kunka dhaawac ku yaalo oo cid kasta ay ka baqaneyso in ay la go’do.

Mudane waqtiguna wuu isguraayaa, shacabkaan daalan dowlad daadihiso ayey doonaayaa, oo ha noqon mid asaga laabtiisa dhagaysta ee dhagayso shacabkaada dhaliisha wax dhisaysana ku dhaqan oo qaado koley dhaliin waa ay ku sugeysaaye waayo nin xil qaaday eed qaad, hadabo waxay kaa sugaanba waa Ra’isul wasaare quluubtiisa aan qabyaalad ku jirin.

suleyman Sh. ismaciil

paracatamol5@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Qorshaha cusub ee amniga : Askari dariiq lagama qaadi karo
FARDAMBE : Saado Cali, Shuclad aanan waligeed gamaarin
Saado Cali Warsame oo toogasho lagu diley Xamar
Maraakiib Soomaaliya ay lahayd oo loo qaatay qaan lagu yeeshey
25 dayuuradood oo qaad geeya Soomaaliya, lacagna kasoo daabula