Yuu noqon doonaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Somalia (Faallo)By: Cumar dhicisaw

Published: October 2, 2012

Sida aan wada ogsoonahay tan iyo bisha bish September oo ahayd markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu soo hordhigo Barlmaaan qaranka qofkii soo dhisi lahaa dawladdii ugu horeysay ee aan ahayn ku-meel-gaadh.

Haddaba faaladan gaaban waxaan ku falanqayn doonaa shakhsiyaadka ugu dhawdhaw ee la filayo in maalmaha soo socda midkood lagu dhawaaqo.

Xilka Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa la filayaa inuu qabto musharixiin ka soo jeeda bisha Daarood oo inta u sharaxani aysan ka yarayn 12 qof. Tiradani waa inta iska damaaciday ee ku sugan magaalada muqdishio aadoo ay jiraan kuwa kale oo weli shaqooyinkoodii ka soo tegin ay dalka dibaddiisa ku haysteen oo soo dirsaday CV ama kartida kale ee ay u leeyihiin qabashada xilkan.

Waxaa la xaqiijinayaa in madaxweynhu uu wada eegay CV-yada la soo dirsaday oo idil, ayadoo la xusay haddana in xilkan aan loo eegayn heerka waxbarashaa oo keliya ee ay muhiim tahay dhinacyada hoggaaminta ( leadership) iyo kartida uu qofku u leeyahy inuu hogaamiyo dawlad Soomliayeed. Madaxweynaha ayaa culays badan ka haystaa siduu u kala qancin lahaa seddexda jilib ee Darood ugu waaweyn oo aad ugu loolamaya xilkani.  Musharixiinta ka soo jeeda gobolka Puntlad ayaa doorarkii dawladihii hore ka cayaareen aad looga dayrinayo halka Beesha Sade loo arko in miisan siyaasadeed lahayn aadse ay u xayaysiinayaan beelaha ka soo jeeda gobalada dhexe oo la aaminsan yahay inay xulafo gaar ah yihiin. Beesha Absame ayaa muasharixiin fara badan sanadka keenay oo aan horey loo arag, miisaankooda siyaasadeed ee ay yeesheena uu keenay culays aan la filanayn.

Haddaba bal aan eegno fofka uu madaxweynuhu ka xulan doono dadka ugu cadcad ee lagu soo koobay dhawrkan qof:

- Xildhibaan Xuseen Khalif

- Dr. Axmed Sh. Ali ( Doodijo)

- Faarax Cabdisamed (Afey)

- Saacid Garaad Shirdoon

- Nurudiin Diriye

-Prof. Keynaan.

Haddaan ku hormarno Xildhibaan Xuseen, waa sarkaal sare oo ka shaqeeya Bangiga Islaamka ee magaalada Jeddah ayna isku hayb hoose yihin Ra’iisal wasaare C/weli Gaas iyo Madaxweyne Cabdilahu Yusuf.  Xuseen ayaa wax yar ka hor xilligii doorasha ka yimid shaqadiisa markii ugu horeysay ee uu siyaasadda soo galo marka laga reebo  muddo gaaban oo dhalinyaranimadiisiii ka mid noqday Jabhaddii SSDF ee uu hoggaaminayay Cabdilahi Yusuf ee  ku sugnayd dalka Ethiopia, ka dibna u tacabiray dalka ka Kanada oo uu ku noolaa intuusan shaqada uu hadda hayo uga soo wareegin.

Xuseen waxaa lagu sifayn karaa shaqsiyaadka ugu dhawdhaw ee ka soo jeedaa beesha ee aragti qaranimo leh kana fog ninka aad looga dayrshay ee Gobolka Puntland ka taliya- waa Faroolee.

Sumcaddiisa Soomalinimo iyo bisaylka siyaasadeed ayuu kaga horeeyaa musharixiinta intooda kale.

Dr. Axmed Sheekh Ali ( Doodijo)  wuxuu ka soo jeedaa  Mareexan, noloshiisa inta badanna wuxuu ku qaatay Muqdishu marka laga reebo muddada uu waxbarasha ugu maqnaa Dalka Sudan. Dad badan ayaa hoosta ka xariiqaya inuusan qaban doonin xilkan sababo ay ka mid yihiin:

-  Inuu sarkaal sare ka yahay xarkada Dami jadiid oo aysan umaddu diyaar u ahayn xilligani

- Inuu ka mid yahay isla xisbiga talada haya oo aan isku heli karin inay ku wada fariistaan kuraasta ugu sareysa hoggaanka dalka.

- Sidoo kale xiriirka uu la leeyahay dawladaha iyo ururada Islaamiga ah oo colaad weyn u soo jeedi kara dawladda.

Musharaxan ayaan aqoontiisa ku qaatay Jaamacadda Afriqiya oo aan ka magac weyneen jaamacadaha Soomaaliya marka la eego heerka aqooneed oo hooseysa iyo sida ay uaga soo gudbaan dadka wax ku barta oo u badan dalalka la deriska ah Suudaan. Khibradda shaqo  ee musharaxab ayaa ku kooban ka mid nooqoshada xarakada Islaamiga  oo Aabihiis magac dheer ku lahaa iyo asagoo in muddo ah hogaaminayay xarun ay leeyihiin Dami jadiid oo ku taalla magaalada  Nairobi lana yiraahdo Al-shaahid  Media. Xarunta waxay farac leedahay London oo uu hoggaamiyo Maxamed Al- amiin Al-haadi oo ah sarkaal sare oo dami jadiid. Warar ka soo baxaya xarakadan ayaaa soo xoogaysanaya maalmahan oo sheegaya in wafdi fara badan oo ka kala yimid daafaha adduunka kana tirsan xisbigan inay u dagaalamayaan inuu shakhsi Doodijo oo kale ah uu qabto xilkan maadaama ay dawladdani tahay miday leeyihiin.  Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Bashiir Amaan oo ay weheliyaan culimo ku caan ah xarakada ayaa ka yimid Yururb iyo Ameerika, fikirkana aad u riixaya. Halka madaxda xisbiga PDP aysan hoosta ka xariiqayaan in xilligan aysan marna suurtagal ahayn maadaama dawladdani thay mid qaran oo Barlamaan Soomaaliyeedna soo dhistay.

Ila hoose oo xisbiga ka mid ah ayaa sheegaya in Doodije uu aad uga dharagsan yahay in hawadiisu aysan suurtagal u ahayn xilligan laakiin uu ku mintidayo sidii nin Mareexan ah u heli lahaa xilka oo uu ku gorgortama mar kasta oo hamigiisa laga hor yimaado. Lama hubo qofka uu wato illaa iyo hadda waxaase laga dharagsan yahay oo uusan qarsan inuusan marna oggolayn shakhsiyaad ay ka mid yihiin Farmaajo, Saacid iyo Goonjeex, iyo Abdiweli oo maalmihii danbe suuqa magaalada warar badan oo been ah soo geliyay. Xubanahani waa isku hayb  gaar ah waxayna ka soo jeedaan degaanka Cabudwaaq, lamase hubo inuu sababtaas u diiddan yahay iyo in kale. Doodijo ayaa asagu ka soo jeedaa gobolka Gedo iyo weliba qoysaska laga tira badan yahay ee Mareexaan .

Haddaba doorka uu ku leeyahay xisbiga iyo xarakada diiniga ah ee ka danbaysa iyo weliba saaxiibtinimada dheer kala dhaxaysa Madaxweyne Xasan oo uu udub dhexaad u ahaa doorashadiisa ayaa dad badan magaciisa dhigi la’yihiin. Waxaase turunturo ku ah miisaanka hoose ee xilligan beeshiisa Mareexaan ay ku yeelan karto miisaanka siyaasadeed. Dad badan ayaa u arka in buunbuuninta Musharixiinta Mareexaanka ay ka hor keeni karayso tirada badan ee Daarood oo ayagu isku wada hayb gaar ah (Kablalax). Gaar ahaan Harti iyo Absame oo horey u wada watay Cabdiwel Gaas xulufo gaar ahna ku lahaa helista xilkani. Miisaanka ay ku leeyihiin Gobalada Puntland iyo Jubbooyinka  ayaan ahayn mid aan la iska indhatiri karin oo aad muhim ugu ah taageerada madaxweynaha.

Dr. Faaraxa Cabdisamed ayaa ah asagana ku soo biiray hadalhayska maalmahan danbe wararkana lagu helayo inuu safka hore ku jiro. Haddaba waa shakhsi sidee ah faarax? Waxaa lagu sheegay inuu yahay khabiir arrimaha geeska Afrika, gaar ahaan Somaaliya aadna wax uga qora, sidoo kalena ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo horumarineed iyo machadyo cilmi baaris oo kala duwan. Aqoontiisa  reer galbeedka ayaa waxaa u wheliya fikirkooda oo aad u aaminsan yahay. Waxaa la xusay inuu xiriir dhawdhaw la leeyasho reer galbeedka iyo dalalka geeska africa gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya. Faarax ayaa la sheegayaa inuu asxaab dhawdhaw ku leeyahay dadka ugu dhawdhaw madaxweynaha. Sidoo kalena dad badan oo ay isku meel ku soo barbaareen ayaa la sheegayaa inay aad u riixayaan.

Taageeradani ma cadda waxaase la sheegayaa inay jawaab u tahay taageerada indha la’aanta ah ee beesha Habergidir u hayso Musharixiinta Mareexaan. Faarax ayaa lagu bartay faalooyinka uu ka bixiyo xaaladaha gobolka oo inta badan TVyada reer galbeedka ka hadla.  wuxuu ku dhashay magaalada Muqdishu oo uu bartamihii  80yadii uga dhoofay dalka Kanada oo muddo ka dibna uga soo hayaamay Africa oo in muddo ah ka shaqaynayay, gaar ahaan dalka Ethiopia, ka dibna Europe degay. Sanadahan danbe oo u shaqaynayay hay’ado kala duwan ayuu aad ugu dhexmuuqday siyaasadda Somalia. Qaar ka mid ah Xisbiga talada haya ayaa cabsi badan ka muujinaya xiriirka guntadheer ee uu la leeyahay dawladaha ajenebiga ayadoo lagu sheego inuu ka mid yahay dadka sida gaarka ah ugu dhuundaloola Maraykanka iyo Ethiopia, lamase hubo inta ay la eg tahay saameyntooda in xilkan loo magacaabo. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Faarax uu tababaro cilmiga maamul-wanaagga ku qaatay dalka Isra’iil dhamaadkii 1990kii iyo horaantii 2000 muddoyin kala duwan. Arrintan ayaad mooddaa ayadana inay boog u yeelayso musharaxnimadiisa maadaama xisbi Islaami ah talada dalka hayo.

Walow uu ugu cad cad yahay Absame oo in ka badan 6 musharax u tartamayaan, doorkooda siyaasadeedna aan maalmahan danbe la iska indhatiri karin oo weliba dad badan aaminsan yihiin inuu laf dhabar u noqon karo xiriirka dawladaha ee Gobolka geeska Afrika. Wuxuu hayb hoose la yahay Suldaanka beeshaas ee Cabdi cali sonkor. Musharixiinta kale ee beesha sida Gen. Muuse ayaa isagu ku haray da’da, iyo wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Xalane oo xiriir dhaw la lahaa Sheekh Shariif Axmed. Sidoo kale nin la yiraahdo Prof. Keynaan oo UNESCO Nigeria haysta ayaa hadalkiisu mar soo yeeray faahfaahin badan aan ka haynin. Profesorka ayaa aqoon sare leh oo Soomaalida laga heli karin macalinna u ahaa madaxweyne Xasan yaraantiisii walow  aan warkiisa suuqa Mudishu dib looga maqal. Sidoo kale nin lagu soo koobay magaciisa Cabdi dheere ayaa sharraxan oo uu abti u yahay indhacadde beesha Cayrna ay aad u buunisay walaw aanu waxba ka sheegi karin taarikhdiisa. Isku soo duubow tani waxay ka dhigaysaa Faarax musharraxa ugu xoog badan beeshiisa.

 

Saacid Garaad Shirdoon

Musharaxan ayaa magaciisu ka bixi la’yahay suuqa magaalada Muqdishu ee ku tiriteenka laga abuuro/ Haba yaraatee ma jirto wax khibrad ah oo uu leeyahay dawladnimo marka laga reebo ganacsi dheer oo uu in ka badan 30 sano ku soo jiray. Saacad ayaa wuxuu ku naaloonayaa taageero indha la’aan ah oo dadka magaalada Muqdisho deggen u hayaan. Taageeradan ayaa sal u ah qoyska xaaskiisa oo ah qof tixgelin ku leh bulshada degta Muqdishu. Saacid ayaa horey ula tartamay Xasan Sheekh diidayna inuu uga tanaasulo ka dibna halkaas isku dhac ka yimid aan weli la xallin. Taageeradiisa ugu badan ayaa ah inay in badan la taliyaashisa ah ay u wataan inuu qabto xilka. Dad badan ayaa shaki ka muujinayaa arrinkaas oo marar badan ula eh in heshiis hore jiray.

Nuurudiin Diiriye, waxaa lagu tilmaamay nin da’ yar muddo dheerna ka soo shaqaynayay Puntland marka laga reebo xilliyo kooban oo uu UNICEF Somalia ku sugnaa. Wuxuu horey ugula tartamay Faroole xilka madaxweynanimada asaga tiro yar lagaga guulaystay, ka dibna loogu deeqay inuu qabto xilka ugu sareeya ee wasiirka Qorshaynta oo uu ku gacansayray. Nuurudiin muddooyinka danbe wuxuu ku caan baxay ka qabgalka shirarka soomalida gaar ahaan dalka UK oo uu ka dhex muuqday shirarka Soomalidu isugu timaaddo.  Faahfaahin badan kama soo bixin taariikhdiisa siyaasadeed walow Nuurudiin muddo dheer ku sugnaa Xamar asagoo hogaaminayay dib u doorashada Cabdiweli Gaas. Ka dib markuu Cabdiweli ku guuldaraystay madaxweynenimada ayaa la sheegayaa inuu bilabay damaaciisa ah  Ra’iisal- wasaarenimo kuna qabsaday ka dib markuu is tusay inuusan soo noqon doono C/weli. Arrinta ayaa ah mid qoyskiisa hoose ka cadhaysiinaysa.

Nuurudiin ayaa inta badan isku hallayn ka qaba asxaab badan oo ku dhaw beesha Abgaal oo qaraabo yihiin halka uusan wax wanaag ah ka dhaxaynin Madaxweyne Faroole oo in mudd ahba aysan hoos isa seexinayn.

Prof. Keynaan

Musharraxan ayaa mar keliya magaciisu mar soo yeeray dib danbana loo maqal, waxaa lagu sheegay in aqoonyahan muddo dheer ka tirsanaa hay’adda UNESCO haddana ku sugan dalka Nayjeeriya. Wuxuu ka soo shaqeeyay waddmo fara badan. Hamigiisa siyaasadeed ayaan horey loo sheegin hadda ka hor, siyaasadna shaqo kuma yeelan inta la og yahy hadda ka hor.

Prof. ayaan beeshiisa hadalkiisa laga maqal, waxaana la sheegayaa in xiriir madaxweynuhu la sameeyay ku yimid maadaam uu macalin u ahaa xilliyadii hore ee Somalia burburin. Profesorka yaa aqoontiisu iyo khabradda uu leeyahay ka hormarinaysaa dhamaan musharaxiinta kale ee hadda tartamaysa.

Waxaa lagu tilmaamy shakhsi aad u xishood badan oo aan jeclayn in xukun lagu tartamo aadna uga fog qabyaaladda. Marar aan isku daynay inaan la xiriiro xaaskiisii hore oo ay walaalo yihiin Qoraaga caalmiga ah caanka ah ee Nuuradiin Faarax.

Dad badan ayaa hoosta ka xariiqaya haddii uu Keynaan musharaxnimdiisa ka dhabeeyo inuu orod ku dhaafi doono dhamaan inta kale ee aan soo xusnay.

By: Cumar dhicisaw

dhicisow11969@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Agaasime idaacadeed oo xabsiga laga siidaayay, balse baasaboorka laga qaatay
Markamadda adduunka oo waqti u qabatay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya
Maamulka Jubba “Qaxootiga soo laabanaya ma ahan in ay noqdaan sidii baroacayaasha oo kale”
Xafiiskii Baasaboorada Gaarisa oo dib loo Furayo
Gaarisa oo laga xusey halyeeyadii Soomaalida ee xornimada u doodey