Maxaa shacabka Soomaaliya ka filaya xukuumada cusub marba haddii la magacaabay Ra’iisal Wasaare Qore Abdulkadir M. Walayo

Published: October 13, 2012

Shacabka Soomaalida oo muddo ka badan 20 sano la daala dhacayay dhibaatooyin uga imanaya dawlad la’aan horseeday dagaalo sokeeye oo dalka iyo dadka u soo jiiday dhiig bax naf iyo maalba leh kuwasoo ay geesteen isla dad Soomaali ah waxayna taa u nugleysay in cadaawaha Soomaalida uu sidoo doonto ka yeesho dalka kiiyo ku marmarsoonaya inuu amaanka iyo kala dambeynta ku soo celiyo dalka xasili la’ muddada dheer.

 

Dagalaadas waxay dalka dhaxalsiiyeen in loogu yeero magaca ah qaran jabay oo waayay tiirarka aassaska u ah oo lagu hanan karo lagu gaari karo qaran dawlad ah.

 

Waxaa dhowr jeer la isku dayay in dalka dibadiisa lagu soo dhiso dawlado ku-meel-gaar ah oo sidii la rabay aan u shaqeyn waayay inkastoo ay hadana docda kale jireen dhibaatooyin lagu hantaatureynayay ee uga imaanayay xoogaga dib-u-socodka gudaha iyo cadaawaha dibedda.

 

Waxaa taas ka sii darana aqoon la’aan baahsan oo dadka badankooda aaney fahfahmsaneyn macnaha gobannimada iyo dawladnimada.

 

Inkastoo ay dusha ka ilaalinayeen ciidamada AMISOM, hadana waxaa markii ugu horreysay in ka badan 20 sano dalka gudihiisa lagu soo dhisay bishii hore ee September 2012 dawlad lagu sheegay inay ka baxday ku-meel-gaarnimada oo hadda wixii ka dambeeya si toos ah ula macaamili doonto beesha caalamka marka laga fiiriyo xagga deeqaha iyo deynta Somalia la siin doono mustaqbalka si wadar ah iyo si laba geesood ah intaba.

 

Hase ahaatee beesha caalamka waxay arrintaas shardi uga dhigeen in kolka la soo dhiso dawlad loo dhan yahay oo Soomaali oo dhan ka dhex muuqato isla markaana soo diyaarsata mashariic mudnaan kala leh. Taasu waxay macnaheedu tahay in doonta la soo saaro maamulada Somaliland, Puntland iyo kuwa kale.

 

Waxaa la qiyaasi karaa in fulinta hawshaasu aaney sahlanayn oo waqti badan ka qaadan doonto muddo 4 sano ee loo qoondeeyay mamulka cusub ayagoo isla waqtigaas nidaamka u soo tuuri doona wax san-dareerto ah oo “ha-dhiman hana noolaan” ah.

 

Ficilka foosha xun waxaa looga samatabixi karaa in fahamka Soomaalida ka koro qabiilqabiilka, casabiyada, goboleysiga iyo nin-jecleysiga ama necbeysiga iyo dagaalada ilaa hadda dalka ka socda oo ujeedo iyo ka jeedo doona aan midna lahayn.

 

Intaan maqaalka hoos ugu daadegin, sida Ilaahay uu noogu sheegtay Kitaabkiisa Kariimka ah: “QOOM ILAAHAY MA DOORIYO HADANAY IYAGU NAFTOODU DOORIN”. Haddaba doorsoonka waa isbedelka la tilmaamay kaasoo noqon kara imaa (1) dhinaca wanaaga iyo (2) dhinaca xumaanta. Qoom kasto iyaga ayey u taala dhinaca ay u dhacaan oo ay isu dooriyeen – xumaan iyo samaan midooda.

 

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somalia, Prof. Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ra’iisal Wasaraha la magacaabay, Abdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xukuumada la soo dhisi doono maxaa yididiilo ah uu shacabku ka filaya mustaqbalka dhow?

          ISBEDEL-DOON

 

Sida la xusuusan yahay, maalimhii ololaha doorashooyinka ay socdeen Madaxweynaha waxaa eryada ololaha uu ku galay ka mid ahaa inuu yahay musharax isbedel doona oo wixii dalka soo maray mudada dheer oo xumaan ahaa uu wanaag u bedelidoona.

 

Inkastoo oraahda iyo in iyadaas ficil loo tarjumo ay tahay arrin dhib leh, sida maahmaahda Talyaaniga ay leedahay: “Tra dire e fare c’e nel mezzo il mare” oo macnaheedu yahay: Oraahda iyo hirgelinteeda oo ficil ahaan loo rogo waxaa u dhaxeeya bad” oo wax si sahal ah ku imaan kara maahin. Hadana yaanan ka dardaar warin wixii dhici kara mustaqbalka inkastoon Soomali uga baran muddooyinka dambe inay si wadajir ah wax qabtaan si hagar iyo dibandaabyo la’aan ah.

 

Haddaba, waxaa in la is weydiyo istaahila sidee ISBEDEL-DOONOW baa wax loo badalaya? Maxaa la bedelaya? Yaa wax bedelaya? Hangool noocmaa isbedelka loo adeegsan kara ? Sababta iyo baahida keentay in wax la bedelayosemaxay tahay? Yaa loo maleyn karaa oo diidi doono inuu idhaco sbedelka?

 

Su’aalahan iyo kuwo kale waa kuwo ka dhex guuxaya maskaxda dadka fayow ee Soomaalida ah.

 

Su’alaha jawaabahooda waxaa laga sugaya nidaamka cusub, inkastoo aan wax ka sheegi doono sida ay ila tahay dhulka lala beegsan doono is bedelka

 

ISBEDELKA

 

Kalimada ISBEDEL waxay masraxa siyaasada ku leedahay miisaan culus waayo waxaa la bedelaya waa dhaqan soo jireen oo haraadi ah oo ummadda soo dilooday oo aan ku siineyn oo keli ah waayaha burburka balse ka soo bilowday ka hor iyo markii xoriyadda dalku qaatay muddo haatan laga joogo in ka badan 50 sano ayadoo uu hardan ka dhexeeya xoogaga dib-u-socodka iyo kuwa horumarka jecel ee dalka.

 

Isebdelwaxaa lagu fasira in la soo af-jaro qaab xun oo hore u jiray laguna bedelo qaab kan la bedelay ka sii fiican oo loo aayo isla markaana leh mustaqbal ifaya oo dadkoo dhan ay bidhaansan karaan oo rajo geli kara dadkuna u loogaan xoog iyo xoolo waxay haystaan si hagar la’aan ah.

 

Isbedel waxaa kaloo lagu sifeeya in meesha gebi ahaanba laga saaro jawrfal iyo qaladadka oo dhan noocuu doono ha ahadee oo hore u soo dhacay.  In dhabe cusub loo jeexo hab wacan oo looga bixi karo ficilada xumaa ee la soo maray. In la soo rogo hab wacan oo xaqiijin kara sidii faraha loogala bixi lahaa jidkii silloona ee dadku lagu soo hoggamiyay oo la soo celiyo kalsoonida Soomaalida isku qabateen ayaga dhexdooda iyo tan dawladda intaba.

 

Fasirka kalimada isbedel intaas waa ka badan yahay, waxaanse ku soo koobi lahaa isbedelka waa wax duug ah oo dib-u-dhac keenay oo lagu bedelo wax cusub oo loo asteeyayo in horumar doc walba ah lagu gaari karo.

 

Isbedelkahaddii si hooseyso looga hadlo waxaa la rabaa in, si tin iyo cirib ah, wax laga bedelo maamulka hay’daha Soomaaliya oo hoggaamintooda loo dhiibo dad aqoon leh oo aan lagu xirin 4.5 si looga fogaado qaraabokiil iyo eex ayadoo laga soo bilaabayo guriga madaxtooyada ee Villa Somalia, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xafiisyada Wasaaradaha kala duwan iyo kuwa hay’adaha iyo laamaha kale ee dawladda iyo Talisyada ciidamada qalabka sida inaan lagu arkin dad ku qabiil ah madaxda xafiisyada fadhida marka laga reebo qof u socdo wax sharci ku dhisan oo muwaadin kasto oo Soomaali ah uu xaq u lahaan karo.

 

Sidaa darteeda isbedelka siyaasada gudaha wuxuu noqonaya muuriyad laga daawado siyaasadda dibedda si kolkaas uu u hagaago la tacaamulka beesha caalamka iyo hinjinta diblomaasiyda kolkaa caalamka ka socota ayadoo ay ugu horeyso sidii faro-dhuudhuuban looga soo far-iyo-suulin lahaa arrinta murugsan ee Somalia oo in muddo ah sii dhex maquureysay qaabi weji caalami yeeshay oo wadamado badan – gacal iyo nacab – ay dano si toos ah iyo si dadbanba ugu yeesheen.

 

Waxaa kolkaas loo baahan inla helo diblomaasiyiin Soomali ah oo aqoon durugsan u leh maamulka xiriirka dawliga isla markaana ay awoodaan inay waanwaan iyo wada xaajood ka geli karaan sidii caalamka ay uga iibin lahayeen siyaasad cad oo cusub oo la rabo Somalia inay mustaqbalka la yeelato adduunka intiisa kale gaar ahaan wadamada deriska, qaarada Afrika, Dunida Carabta iyo Islaamka iyo dhamaan beesha caalamka.

 

Ragga noocaas ah waxaan qabaa inay hadda joogaan oo la heli karo haddii la isku dayo in la baadi goobo waxayna karaan inay la tacaamulaam geesaha isku haya oo danaha is-hertiyaya kale leh dalka iyo dadka Soomaaliya.

 

Waxaa la ogsoon yahay marka ay socota hinjinta cilaqaadka dawliga ee adduunka in cid ixsaan cid kale u sammeneyso ma jirto waxaana mar kasta gacanta sare yeelan karta cidii aqoon durugsan u leh dhaqanka cilaqaadka duwaliga.

 

ARRIMAHA SOOMAALIA

 

Haddaba arrimaha Soomaaliya waxaa xalkooda uu ku jira in siyaasadda gudaha wax weyn laga bedelo dhanka maamulka idaariga ee dadweynaha  iyo hay’adaha sharciga ilaaliya (Pubblica amministrazione e l’amministrazione Giudzario) oo dad aqoon fiican leh oo ay u dheer tahay karti iyo hufnaan – karti ay wax ku maamuli karaan iyo hufnaan ay ka hufan yihiin musuqmaasaq, eex, naas-nuujin iyo cadaalo darro.

 

Jagooyinka dawladda dadka loo dhiibayo waa inay xilkaas ku qabtaan inay istaahilaan ayadoo loo marayo waxaa loo yaqan “meritocracy” oo si hoose looga fiirinaya xagga aqoonta, kaska caqliga iyo waaya-aragnimoda.

 

(Inkastoo ay tahay arrin xaraan, haddana dadka qaar ayaa waxay qabaan inay fiicnaan lahayd in habka 4.5 ay qabaa’lku si xaq ah wax ugu qaybsadaan marka laga hadlaayo maamulka dawlada. Dadkaasu waxayse hadda ku doodayaan in nidaamkaas oo marki hore fool xumaa hadda uu weji kale yeeshay oo looga sii gudbay mid ka sii liita oo ah 2.0 oo reero gaar ah ay darajada dalka ugu sarreysa ay ku dhex wareegeyso).

 

Hadii la rabo in la gaaro isbedel ka soo bilowda xaaga jirida hoose, waa in kaabo qabiilada iyo oday dhaqameedyada iyo dadka shaxaad doonka ah ee raba inay si musuq ah wax ku heelaan aan lagu arag xafiisyada dawladda gaar ahaan kuwa ay is leeyihiin waxa xafiiska jooga oo fadhiya qof idinku reer ah oo si sharci darro wax idiinku sad-buursiin kara.

 

Wasaarada Arrimaha Gudaha waa inay u abuurto Hay’ad u gaar ah oday dhaqameedyada oo soo ururisa baahidooda iyo wixii talo iyo tusaale ay u hayaan oo dawladda kaddibna isla wadiiqadaas dib loogu gaarsiyo wixii jawaab qoraal ah oo ay kolkaa dalabkoodu mudan yahay.

 

KASBASHADA KALSOONIDA DADKA

 

Isbedelkaxoogiisa waxaa ka kow ah in kalsoonida dadweynaha ay dawladda ku qabaan dib loo soo celiyo ayadoo xubnaha dawlada ka tirsan ay si islaanimo iyo soomaalinimo ku jirto u ilaalinayaan xilka lagu aaminay oo ay Alle hortiis wacadka ugu galeen.

 

Dawladu waa inay si ficil ah ay wax uga qabato oo la xisaabtanto dadka lagu tuhunsan yahay inay hadda ka hor lunsadeen hantida qaranka taasi waxay keeneysa in aan mar kale lagu dhiiran in si sahal loo qaato ama loo xado hantidada dadka ka wada dhaxaysa.

 

Kalsoonida oo dadweynaha loo soo celiyo waxay keeneysa in dadweynaha ay si buuxda uga qayb galaan dhismaha, sugidda nabadgelyada iyo difaaca dalka ayadoo loo marayo habka iska wax u qabso oo Soomaali weligeed ay wax ku soo qabsan jirtay oo ay caanka ku ahayd weliba inta lagu jiro waqtiga laga gudbayo dhibaatooyinka gaamuray oo dalka ku habsaday mudada dheer.

 

Waxaa jirtay in dawladda hadda jagada laga bedelay ay bixisay darajooyin ciidan iyo kuwo rayid ah oo aan loo meel dayin oo laga shaki qabi karo sababaha loo bixiyay iyo dadka darajooyinkaas la siiyay in aaney midna lahayn karti iyo hufnaan toona.

 

Waxaa kaloo la abuuray degmooyin ay dhici karto canshuurta soo gasha in aaney bixin karin mushaarka shaqaalaha dawlada ee degmada la sheegay haddiiba ay shaqaale shaqeeya jiraan. Degmooyinka qaar xitaa kuma yaaliin oo ma laha hal qol oo dugsi hoose iyo qol xanaanada hooyada iyo dallaanka.

 

Tallaabooyinka noocaas ah waxaa laga tuhmi karaa in loola jeeday inay qayb ka ahayeen ololihii doorashada ee tartanka jagada madaxweynaha.

 

Waa muhiim in arrimahaas dib loo fiiriyo oo la saxo waxayna tallabadaasi ka mid noqon doonta isbedelka xukuumada hadda la imaan doonto haddii ay dhab ka tahay isbedel doonimada

 

XEYNDAABKA GUDAHA VILLA SOMALIA

 

Dawladdu waa in aney ku siinaan oo aaney isku reebin agagaarka Villa Somalia oo dadka soo gaarto oo ay ka soo baxdo halkaas oo bal marka hore isku fidiso caasimada isla markaana la furo albaabada Wasaaradaha Dawladda soona shaqo tagaan shaqaaliha  dawlada ee hore xitaa kuwa hawl-gabka noqday ee isugu jira ciidan iyo rayid waayow waxay kuwaas noqon karaan macalimiin shaqaalaha cusub tababara.

 

Dawladu waa inay keento siyaasado dib dalka loogu soo celinayo maskax-guurka (brain-drain)  ku dhacay Soomaalia oo maskaxdaas qaar laga yaabo inay si mutadawacnimo oo bilaa mushaar ah ku shaqeeyaan muddooyinka hore inta ay dawladdu ka soo koryeso.

 

 

BARLAMAANKA

 

Barlamaanka waa hay’adda xor ah oo leh awood sharciga ku dhisan taasoo ah dejinta shuruuc cusub iyo baabi’inta kuwo hore u jiray oo waqtiga la socon waayay.

 

Hoggaanka sare ee Baramaanka waa inuu soo rogo anshaxa dhaqameed xildhibaanadii hore ay ku dhaqmaan oo lagu xakameyn doono hab-dhaqankii hore iyo qaabka mooshinka ee Barlamanada hore dilooday.  Xildhibanada waxaa hore looga bartay inay culeys dheeri ah ku ahayeen habsami u socodka hawlaha barlamaanka sidaa darteed waa in lagu tirtirsiiyo inay bedelaan habd-dhaqankaas hore.

 

Xaaladda dalku joogo marka hadda la fiiriyo siduu yahay, xildhibaanda barlamaanka waa inay habeen iyo maalinba shaqeeyaan oo ay maskaxda shiilaan si afarta sano ee socota ay ummada u  qabataan wax loo aayo oo loola jeedo in dalka looga badbaadiyo qatarta uu hadda dalku ku jiro iyo mida ku soo fool leh ee ku soo socota labadaba.

 

Qofka xildhibaanka ah waa inuu ahaado muunad ku dayasho mudan oo ay dadweynuhuna sidaas u arkaan kana sooman muqadaraad noocuu doono ha ahadee.

 

Waxaa arkaysa wax laga yaqyaqsoodo oo fool xun sida qof xildhibaan ah uu ka soo baxo shaahadaha telefishanada kiiyo ruugaya ama calalinaya xanjo iyo kuwo Guddoonka sare ee barlamaanka uu ka codsanayo inay fariistaan oo la leeyahay joojiyo socodka oo mar iyo laba jeer ka badan. Waa ceeb in qof xildhibaan uu si moogaansho ah u beelo anshaxa inkastoo ayba dhici karto qaar xildhibaanda ka mid ah lagu xantay inay barlamaanka ku soo galeen laaluush ay siiyeen oday dhaqameedka soo xulay.

 

Xilmakasaha noocaas oo kale oo wata magaca xildhibaan ujeedkiisa hore waxay ahayd in bal marka hore lacagta uu laaluushka ku baxshay inuu dib u soo ceshado. Markuu taas hubsadona waxaa u qorsheysan inuu mar kale haddana faa’iido ka doono maalgashiga uu xaraanta ku sameeyay.

 

Kuwo waxaa jira iska caadeystay in aaney ka soo qayb gelin kal-fadhiyada barlamaanka iyo kuwo ka soo daaha waqtiga la ballamay ayadoo laga yaabo in barlamaanku gorfeyn lahaa arrimo xasaasi ah oo heer qaran.

 

Guddoonka Barlmaanka iyo Guddiga Anshaxa Barlamaanka waa inay falakaasi ka soo saaraan awaamir cadcad oo qofkii ku xad-gudbo uu ku weyn karo  xubinimada Barlamaanka.

 

ABUURISTA MAXKAMAD DUSTUURI AH

 

Waxaa kaloo jirta baahida loo qabo sidii loo abuuri maxkamad dustuuri ah (constitutional court) oo fasirka dhabta ah ka bixisa haddii arrimo dustuuri ah la isku qabto si meesha looga saaro isqabqabsigii ay xukuumadihii hore soo mareen.

 

Doorka Maxkamada Dustuuriga waxaa ugu weyn inay la socoto hadba go’aan kasto oo soo baxo ee heer dawladeed ah hadduu ka soo horjeedo qodobada uu ka kooban yahay dustuurka.

 

Waxaa dalka jooga Garyaqaanada Dasatiirta (constitutional lawers) oo Garsoorayaal ka noqda maamulka hawalaha maxkamada Dustuuriga ayagoo hadba kormeeraya in loo hoggaansamo ku dhaqanka dustuurka iyo xeerarka kale ee isla dustuurka ka soo farcamay.

Waxaa na soo maray marmar badan marka ay wax isku qabtaan madaxda  in looga yaeero dalka dibadiisa loona soo meeriyo sidii ay ku kala bixi lahayeen taasoo dhaawac u geystay gobannimada iyo shafaka ummdda Soomaliyeed

 

Ficilkaas noocaas ah wuxuu dhalay waxa loogu yeero Heshiiska Kampala oo madaxda Soomaalida oo heshiiskaas saxiixday ay in badan hoggaaminta dalka gacanta u geliyeen shisheeye.

 

LA XIRIIRKA WARBAAHINTA

 

Sidaan hore u soo aragnay waxaa jirtay in qof kasto oo xil sheeganayo uu si toos ah ula xiriiro warbaahinta oo uu si af-furnaan ah ugala hadlo isagoo siduu doono u duro arrimaha qaranka oo ay dhici karto in go’aan wada jir ah laga soo saaray oo aanba loogu tala galin in kolkaa suuqa lagu faafiyoo amase qofkaasi ka hor dhaco inta uusan sheegin qofka loo igmday inuu warkaas faafiyo

 

Waxaa arkaysa in shakhsiyaadkaasi ay arrimo idaari ah (administrative issues) oo ayba dhici karto inay sir qaran yihiin ay warbaahinta ay u soo bandhigaan oo weliba ay dhici karto inay iyagu qayb ka ahayeen gaarista go’aankaas laakinse aanba loo baahnayn in la faafiyo.

 

Dawladdu waa in dawladda inyay soo saarto awaamir tallaabooyin lagu xakamaynayo

 

Masuuliyiinta dawladda hab-dhaqanka ah in warbaahinta gudaha iyo dibedda lagu falanqeeyo arrimaha idaariga ee hoose ee dawladda u gaarka ah ama ha noqdo xildhibaan ama ha noqdo wasiir ka tirsan golaha xukuumada ama heer kaleba ha jooge waa in gebi ahaanba mustaqbalka la joojiyo.

 

Xubin Barlamaan ama xubin golaha xukuumada waa in ay fekerkooda si cad uga dhex sheegtaan marka ay fadhiyaan golayaasha ay xubinta ka yihiin oo arrinta miiska saaran fekradooda ka dhiibtaan sida ay ula muuqato isla markaana u hoggaansamaan go’aanka inta badan isku raacday oo loo badan yahay haddii xitaa ay qabaan fekerka kan la isku raacay ka duwan. Marki madaashaas la joogo wax kastoo ka dhex dhaca maamulka dawladda gudihiisa heer kasta ha joogeen waa inaan loo isticmaal warbaahinta.

 

Warbaahinta waxaa war rasmi ah oo dawladda ka soo baxay siin kara oo kale qofka dawladdu hawshaas u xilsaartay. Gaar ahaan waxaa masuuliyadda war fidinta masuul ka ah Wasaaradda Warfaafinta ama Afhayeenka xukuumadda.

 

Haddii uu sii socdo ficilka noocaas ah wuxuu dhaawac ku keeni karaa habsami u socoda hawlaha ummadda loo qabanayo iyo inuu amniga qaranka sii galo qatar.

 

Bacdamaa uu dalku meel qatar ah marayo, waa in sirta qaranka la qariyo oo aan dibedaha lagu falanqeyn. Ka dhig sirta qaranka sir, taas waa inay hal-ku-dhig u noqoto nidaamka dawladda.

 

Si nidaamka cusubi uu u noqdo tusaale ku dayasho mudan waa inuu geesi geliyo sidii masuuliyiinta qaranka ay u joojin lahayeen isticmaalka jaadka iyo waxyaabaha kale ee la hal-maala ee aqlaaqiyaadka dadweynaha dooriya.

 

Waxaa cilmi baaris lagu sameeyay jaadka lagu ogaaday in isticmaalkiisu  leeyahay cudur badan oo uu ka mid yahay xanuunka maskaxda ee waalida keena iyo kuwo kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin. Marka qof waxaas isticmala hawlo qaran ma lagu aamini kara waayo sarta qaranka ma xafido karo.

 

 

DIMUQARAADIYADA QUMAATIGA AH

 

Bacdamaa barlamaanka hadda jira sida kuwii ka horeeyay qaabka uu ku yimid u ahaa soocasho oo uusan weligiisa ku imaan habka doorashada nooc hal qof hal cod, waxaa haboon in wax-ka-bedel lagu sammeeyo qaabka barlamaanku u shaqeeyo oo dadweynuhu qayb ilaa xad ah ku yeeshaan hawlihiisa bacdmaa dadka hadda lagu sheego inay xildhibaano yihiin aaney dadweynuhu toos u soo dooran , kuwi horena aaney reebin go’aano dhaxal gal ah oo ummadu u ayday.

 

Dadka qaar mudada ay barlamaanka ku jireen loogama baran inay wax dalka iyo dadka u taraya inay soo qabteen oo aan ka aheyn isqabqabsi dhexdhexooda, muran iyo mooshin dhaqaale gaar ah lagu doonayo. Ilaa hadda dadka noocaas ah waxay xubno ka yihiin aqalka baarlmaanka mana laga sugayi haba yaraatee inay keenaan wax ummada faa’iido u leh iyo dano kale oo ay leeyihiin dadka lagu sheegayo inay iyagu ka wakiil yihiin oo ka tirsan daa’irada (constituency) loo tiriyo in ay iyagu ka wakiil yihiin.

 

Ayadoo maanka lagu hayo waxtar la’aantaas xildhibaanada qaar waa in sidaas darteed dawladu soo rogto nidaamka dimoqaraadiyada tooska ah (Direct Democracy) si dadweynaha ay awood ugu helaan inay barlamaanka u soo gudbin karaan mashruuc sharci iyo talooyin wax tar u leh ummadda ayadoo ay talooyinka soo sixiixaan dad bulshada ka tirsan  oo la isku waafaqadsan yahay oo ay xubno ka yihiin dadka aqoonta, siyaasyiin hore, macalimin jaamacadeed iyo dadka caqliga u saxiibka ee wayeelka ku dhaqan dalka oo lagu yaqaan dhowrsanaan iyo Alle ka cabsi oo mujtamaca laga qadariyo oo loo istaago meel kasto ay tagaan.

 

Guddoonka barlamaanka haduu mashruucaas dadweynaha ay soo jeediyeen u arko arrin dood la gelin waa in loo gudbiyo golaha si barlamaanka go’aan uga gaaro ayadoo dadka soo qadimay mashruucaas aaney dood ka qayb galin..

 

Sababta aan taladaasa u soo jeedinayo waxaa ugu weyn ilaa berigii barlamaanka la soo xulay 2000 ilaa maanta kama soo bixin barlamaanka gudihiisa wax ka badan isqabqabsi iyo mooshin dano gaar ah laga leeyahay oo welibana la iskumaandaafsan yahay.

 

Tusaale haddii aan idiin soo qaado kuwo aan aniga daa’iradooda (constituency) ka tirsanahay weligood islamaan kulmin ayadoo qaarkood lagu sheegayo inay barlamaanka ku tageen si musuq ah. Waxaa hadda barlamaanka ka mid ah kuwo dartooda dad loo dilay oo ilmahoodu ay agoon yihiin oo cid ka war qabtaana aaney aaney jirin.

 

Sidaas awgeed ayaan u soo jeediyay in dimoqaraadiyga tooska ah barlamaanka laga hirgeliyo si aan xildhibaanada aan keligood muddada 4 sano ee soo socota aan loo deyn wixii dadka loo qaban lahaa oo uu iyagu hore u gabay oo uu qaban kari waayay.

 

Dimoqaraadiyada noocaas ah meelo badan ayaa adduunyada looga dhaqmaa ayadoo weliba barlamaanka uu go’aanada qaar u diro in dadweynaha istifta (referendum) laga qaado si go’aan aan la isku caasin looga gaaro.

AMISOMA IYO ARRIMAHA AMAANKA DALKA

 

Dawladdu waxaa looga baahan yahay inay dawladdu dejiso qorshe hawleed waqtiyeysan oo la rabo in looga qoor baxi karo ku tiirsanaasha xagga amaanka ee ciidamda AMISOM.

 

Shacabku wuxuu is weydiinaya intee hoggaanka sare ee dalka uu ku dhex jiri kara taangiga AMISOM ayadoo dhaqaalaha ay Yurub ku bixisay ciidankaas uu gaaraya 1.1 bilyan oo dollar halkan  uu Maraykanku ka bixiyay 656 milyuun oo dollar marka laga soo bilaabo 2006.

 

Waxaa hadda laga fekeraya in ciidamada shisheeyaha la gaarsiiyo tiradooda min 12,000 ilaa 17,000 oo askari taasoo kor u sii qaadi doonta kharashka ciidamada ku baxaya mustaqbalka.

 

Dhaqaalahaas ay ciidamada shisheeyaha ka helaan Soomaliya kasokow, waxaa intaas u dheer wadamada Afrikaanka ah inay han weyn u qabaan sidii ay meel uga heli lahayeen xeebaha Soomalida bacdamaa ay u badan yihiin wadamo aan xeebo lahayn (landlocked) taasoo qatarteeda iska leh.

 

Ilaa ay qorshahaas hirgelintiisa ay xaqiiqsadaan lagama yaabo inay dalka ka baxaan ayago raba inuu dalka sidiisa qalqalka isaga sii jiro si ay xalaadaas madow ugu seta dheereysay joogistooda ay dalka joogaan.

 

Kenya ayada waxay rabtaa inay xeyndaab amase bowd adag ka sameysato xadka ay Soomaaliyala leeahaya si ay isaga caabisa waxay ku sheegtay qatarta uga imaan karta Somalia mustaqbalka.  Waxaa kaloo la sheegayo inay shidaalka ka qodonayso meel ka mid ah gudaha soohdinta badda Somalia.

 

Ethiopia iyadu xubin kzmz ahin AMISOM laakinse waxay si sahal ah ku soo geli karta gudaha Soomaaliya marka ay dareento inay dhanka Soomaalia qatar uga imaan karto.  Waxay aragtidaasi caddeyneysa in Ethiopia ciidan ahaan  iyo siyaaso ahaan labadaba aaney arrimaha Somalia faraha ugala baxay.

 

Ciidamada Soomaalida min askari ilaa janan wuxuu haatan mushaar ahaan kiiba u qaata 100 dollar oo keli ah oo marmarka qaar ay ka maqnaato 5 ilaa 6 bilood. Halka askari AMISOM uu ka qaato bishiiba mushaar ka badan kuna dollar.

 

Waxaa xukumada cusub looga fadhiya inay dib-u-dhis run ah ku sammeyso ciidanka qalabka sida iyo hay’adaha sharicyada hirgeliya (law –enforcement agencies)tiiyo ciidanka la siinayo tababarka loo baahan yahay ayadoo ardayda dugsiyada sare soo dhammaystay loo dirayo kulliyaadka xarbiga ee wadamada aan saaxiibka nahay.

 

Sidaas si la’eg ardaydaka soo baxday dugsiyada hoose iyagana la siinayo tabarbarka hawlaha boliiska iyo ciidamada kale si looga baxo gacanta maliishiyo beleedka la leeyahay waa ciidan dawlad hadana is rasaaseeya oo isku dila hubka dawladda isla markaana galaafta dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Ra’isal Wasaraha cusub ee Soomaalia, Abdi Farah Shirdoon ayaa arrintaas iyo arrimo kale oo danta Soomaalia ka hadlay intaan dhowaan loo dooran jagada RW waxaana warysi uu siiyay mid ka mid ah idaacadaha la iska arko ee Soomaalida . Linkan daawo Ra’isal Wasaaraha oo ka hadlaya rajada Somalia: http://www.youtube.com/watch?v=CO2E3Otuhls

 

WADA HADALLADA SOMALILAND IYO MUCARARADA KALE

 

Dawladda waxaa laga rabaa inay dejiso qaab wada hadallo lagula galayo walaalaheena Somaliland iyo mucaaradka ee hubeysan ee dawladda ka soo horjeeda. Qadiyada Somaliland iyo dagaalada hadda dalka ka socda waxa labadaba la garan karaa inay ka soo jeedaan cadaala darro muddo dheer soo jirtay oo dadka qaar laga soomiyay inay qayb ku yeeshaan cunista keeka qaranka qaybti ay ku lahayeen iyo tacadiyo xagga xuquul insaanka loo geystay walaalaheen ku dhaqan Somaliland.

 

Gaar ahaan walaalaheen Somaliland waxaa laga rabaa dawladda Soomaliya inay wax ka badan ugu abaal gudo doorka Somaliland ay ku lahayd israaca labada gobol ee Koonfur iyo Woqooyiga Soomaliya. Somaliland  waa in garowshiyo garoocasho loogu muujiyo wixii la gaarsiiyay,

 

Marka laga reebo waxyaabaha warbaahinta lagu shaaciyay, aniga intaan ogahay maan arag malaf qoraal ah (package of reconciliation) oo dawladaha KMG ee soo maray dalka la soo bandhigay oo walaalaheen Somaliland iyo mucaaradka lagula hadlayo ama xiriro hoose dad looga qaateen ah ay la sameeyeen isla mucaaradka.

 

Waa in dawladdu soo saarto siyaasado dawo u noqon karta waxyaabaha ay tirsanayaan walaalaheen Somaliland. Waa in xukuumada cusubi isku dayday inay tallabada cad ay ka qaado mucaradka hubeysan ee ka soo horjeeda oo ay wada hadallo kula galayso.

 

MAQAAMKA GAARKA AH EE MUQDISHO

 

Sida la ogsoon yahay, Muqdisho oo ah magaalo qaadiim ah, waa caasimada Jumhuuriyadda Soomaaliya. Taariikh ahaan magaalada lama oga faca ay jirto laakinse dadka taariikhda yaqaan waxay sheegaan inay ahaan jirtay magaalo xudun u ah ganacsiga oo badanaaba ka imaan jiray wadamada ay qoyso badweynta hindiya sida Carabta iyo Pershiyanka kuwaas muddo hore oo degay xeebaha gobolka Benaadir.

 

Kalimada Banadir waxay asal ahaan ka soo jeeda luqada Persian ka ah ee Bandar taasoo macnaheedu yahay marso ama deked ayadoo loola jeeday magaalooyin marseedka gobolka benadir ee Somalia ee Muqdisho,Marko iyo Baraawe. Magaca Muqdisho isagana waxaa lagu fasira“maqcadu Shaah” xarunta shaaha Persia.

 

Magaalada waxaa ku dhaqana dad hodon ah waxaana ka socday waagaas ganacsi xoog leh waxaana qarnigii 13aad booqasho ku yimid bad-mareenka Carbeed ee dalka Moroco u dhashay ee Mohamed Ibnu Batuuta iyo Vasco de Gama oo ahaa Badmareen bortuqiis ah oo isna yimid qarnigii 15aad.

 

Muqdisho waxaa sannadku markuu ahaa 1430 soo booqday safiir ka socday boqortooyada markaas ka talineysa dalka Shiinaha ee ku abtirsan jiray Ming Dynasty ayadoo Shiinuhu ka jawaabayeen booqasho hore ay Muqdisho ugu dirtay dalka Shiinaha sannadku markuu 1416.

 

Caasimada waxaa isu soo bedelay xukuumado kala duwan min sannadka 370 ee miiladiga   sida (XIMYIR, ISLAAM, HALAWAAN, SHIRAAZI, FAKHRUDIIN, BURTUQIIS, MUDAAR, CUMAAN, MUSTACMARDO TALYAANI IYO INGIRIIS iyo nidaankii wisaayada ee Talyaaniga ee AFIS.

 

Somalia markii ay xoiyadda gaartay 1960, caasimada Somalia waxay maamulayay Duqa magaalada oo kaashanayay Gole Deegaan oo la oran jiray (Consiglio Municpale ama City Coucnil).

 

Gobolka Benadir wuxuu ka koobna 8 degmo waxana xukumyay Guddoomiyaha Gobolka (Governor of Benadir Region) ayadoo Degmada Muqdisho uu xukumayay (Commissario Distrettuale).

 

Nidaamka kacaanka ee 1969 ilaa 1990 ayaa hal meel isugu geeyay hoggaanka caasimada oo Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka oo mid qur ah ka dhigay.

 

Waqtiga dawlad la’aanta min 1991 ilaa 2000 muqdisho waxaa la gaarsiiay heerkii ugu xumaa inti ay soo jirtay ayadoo la burburiyay dhamaan daarihii iyo guryaha sida quruxda badan u dhisan ayadoo la tirtiray dhamaan dhulkii ay yiiliin wixii taariikh ee soo jireenka ahaa ee yiilay caasimada.

 

Dagaal-ogayaashu waa u suuroobi weysay inay xitaa dhisaan maamul ka shaqeeya bilic soo celinta magaalda oo loo casilay heer tuulo ka hoose ayadoo faras magaalaha Muqdisho uu noqday keyn duur waraabaha soo galo.

 

Waxaa la mooda in hadda waqtigaas la soo dhaafay ayadoo muddo la hadal haya in caasimada loo yeelo maqaam gaar ah sida ay mar dambe ku hanan lahayd magaca caasimada oo looga gudbin lahaa goof reer leeyahay.

 

Abuurista maqaamka cusub ee Muqdisho waxaa marka hore ugu horreysay in la abuuro gole deegaan oo ka dhex muuqan karaan dad si ramzi ah uga wakiil dadka Soomaalida ee degenaa Muqdisho isla makaana ku lahaa dano dhaqaale oo isugu jira hanti ma guurto iyo mid kale oo caasimada loo yiqiin wixii burburka ka horreyay.

 

Inta laga gaarayo waqtiga in golaasu doortaan Duqa Magaalada Muqdisho lana joojiyo magaacibista ay dawladdu soo magacaabeyso dawladaasoo iyadaba ku timid dadka la soo soocay oo aan la soo dooran.

 

 

ISBEDLKA ARRIMAHA BULSHADA

 

WAXBARASHADA

 

Waa in la bedelo manhajka waxbarashada oo haddii ay suuragal tahay la soo celiyo manaahijtii jiri jiray kaddib markii xoriyadda la qaatay ee 1960 ila 1969  isla markaana dadka si fiican loo baro aqoonta casriga iyo culuunta diinta islaamka.

 

Mudadaas waxay dadku wax ku barayeen dhammaan maddooyinka  luqadaha Carabiga, Talyaaniga iyo Ingiriiska min dugsiyada hoose ilaa heer jamacadeed.

 

Waxaa kaloo iyana jiray koox kale oo iyagana maamulka wisaayaada ee Talyaaniga ee Amministrazione Fiduciario Italianodella Somalia (AFIS) uu wax soo baray min 1950 ilaa 1960 ayadoo ay jirtay koox kale oo af carbeedka wax ku soo bartay oo tegay dalka Masar 1952 haba u badnaadeen aasayaashii leegada iyo dhalinyaro kale ee Soomaliyeed.

 

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Masar oo ilaa hadda ka furan wadada 36aad ee Sharif Basha ee magaalada Qaahira waxaa kontameeydii aasaasay Marxuum (AUN) Maxamuud Xarbi oo ahaa halyey gobannimadoon Soomaaliyeed ah.

 

Dalka Masar waxaa ka soo aflaxay haddana waxbarasho heerar kala duwan u joogodhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku kala jira waxbarashada heerarkeeda kala duwan. Qaar ka mid ah sarakiisha Soomaalida waxay wax ku soo barteen Kulliyada Xarbiga ee Masar.

 

Burburka ka hor waxaa jiray barnaamijka kaalmada farsamo ee Talyaanigu ugu tala galay Somalia ee xagga waxbarashada oo loo yiqiin “Assistenza Tecnico Italiano per la Somalia” oo waxbarasho heer kala duwan lagu aaday dalka Talyaaniga ayadoo ay dalka joogeen macalimiin Talyaaniga ah ardayda wax ku bari jiray min dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa jaamcada Waxaa kaloo jiray macalimiin Soomaali ah oo dalka Talyaaniga iyo dalka Switzerland lagu soo baray maadooyinka xisaabta, fiisyada iyo kiimiyada oo loo soo tababary Dugsiyada Sare inay wax ka dhigaan..

 

Dadka ka soo aflaxay wabarshada noocyadaas ahayd ayaa ahaa

 

Gobollada woqooyi ee dalka Somaliyeed waxaa wax lagu baran jiray afafka ingiriisiga iyo carabiga ayadoo ay dhalinyarada woqooyiga ay waxbarasho sare u aadi jireen dalalka Sudan iyo Ingiriiska.

 

Maamulka idaariga ee dawladda waxaa lagu wadi jiray luqooyinka Talyaaniga iyo Ingiriiska oo labada gobol ay kala isticmaali jireen. Markii dambese waxaa lagu mideeyay luqada ingiriiska oo keli ah

 

Xiriirka waxbarasho oo soo bilowday waqtigaas, kaadarka wax ku soo bartay ayaa dhaqaajiyay ilaa heer inay aqoonta sii kororto isla markaana ay si wacan u wareegto mishinka maamulka dawladda.

 

Waxbarashada dadka waaweyn waa xukuumada cusubi ay manaahijta waxbarashada ku soo darto (Adult Education or Corso Serale) isla markaana heerarka kale ee waxbrashada manahijtooda lagu darayo barashada wadaniyada iyo magaal-joognimada (Civic Education or Educazione Civico) si dadku u fahamaan waajinka dalka ka saaran iyo xaqa qofka muwaadinka ah uu ku leeyahay dalkiisa iyo dadkiisa.

 

Mmaadada barashada wadaniyada iyo madaninimada ujeedada laga leeyahay waxa tahay in si degdeg ah dadka looga saaro dhaqanka baadiyonimada gaar ahaan dadka magaalooyinka waaweyn gaar ahaan caasimada soo galay 20 sano ee burburka kuwaasoo badankooda leh dhaqan baadiyonimo.

 

Qoraalka farta Soomaaliga ee 1972 wuxuu ahaa tallaabada looga qaaday meeshii habooneyd oo aad u fiican inkastoo nidaanki askarta uu kala ahaa ujeedooyinka siyaasadeed oo ay ka mid ahayeen in la soo saaro jiil cusub oo af Soomaali waxaan ahayn aan luqado iyo aqoon kale waxba ka garaneyn oo maamulka kacaanku siduu doono ka yeesho si uu xukunka ugu sii raago taana waxay keentay in 20 sano ka badan ay dalka xoog iyo xeeladoba ku heystaan.

 

Sabata uu nidaamka askarta sidaa u yeelay waxay ahayd wuxuu ogaa in jilalka kale ee afafka kale ee ajnabiga wax ku soo bartay waxay awood u lahayeen inay ka dhiidhi karaan oo ay ka mudaaharaadi karaan qaldaada maamulka ka dhaca bacdamaa ay ahayeen dad adduunka hore u maray kala  socday dhaqdhaqaaqa siyaasdaha caalamka taas ayaana aasaas u ahayd in jiilkan dambe ee afafka shisheeyaha wax ku bartay la caburiyo oo magacyo loo bixiyo sida kacaan diid iyo dib-u-socod ayadoo weliba xaafadiha ay hore  deganayaan sida Iskuraran oo kale iyo agaaraka leegada la burburiyo oo dadka meelo kala duwan ee magaalada loo kala raro.

 

Run iyo been waxay tahay ma garan karo, laakinse waxaa dadku ku xantamaan in maamulka la riday madaxdiisii ay qirteen in dal mooye aan dad laga dhaxli doonin waayo waxay ogaadeen in dadka heerkooda tacliinta inuusan ahayn heer aqoon sare oo wadaniyad iyo magaaljoognimo ilbax ah leh. Haddii aad u sii fiirsato waa tan maanta dalka heysta oo dadku ay noqdeen kuwa is nacay cid kaloo rabtana aaney jirin adduunyada.

 

CAAFIMAADKA

 

Waa in dawladdu wax ka bedesho arrimaha ku aadan daryeelka caafimaadka iyo heerka caafimaadka dadweynaha. Waa in la furo xarumo lagu daweeyo oo lagu xanaaneeyo dadka dhimirka ku belay dagaalada sokeeyo iyo kuwa muqadaraadka ku ibtiloobay. Dawladdu waa inay abuurto meelo dadkaas looga saarayo sunta muqadaraadka lagana hirgeliyo barnmaaijka loo yaqaan “De-intoxication Programs”.

 

Dawladdu waa inay baaris culus ku sammeyso daawooyinka dhacay iyo kuwa macmalka ah ee dalka la soo geliyo oo aan haba yaratee wax tar caafimaad lahayn balse keenaya cudurro kale ee halis ah bacdamaa daawadaas lafteeda ay buktaan noqotay.

 

Dakhtar aan saaxiib nahay oo ilmeyga daaweeya ayaa ii sheegay inay u yimadeen niman ganacsato ah oo wata muunado daawooyin tayo ahaan hooseeya oo ay dibedda ka keeneen kana codsadeen inuu u socodsiiyo oo macnaheedu yahay inuu dawadaas u qoro bukaanka u soo doonto baaris caafimaad sidaasna ay si xaraan ah ugu siiyaan laaluush.

 

Wuxuu Takhtarku ii sheegay in intaan la gaarin laaluushka weyn in boqshad xiran laygu soo hormariyay lacag laaluush ah oo “mudane takhtar ku soo dhowo hawshan ah”.

 

Dawladda waa inay arrimaha noocan ah ay shuruuc lagu xaraantimeynayo ka soo saarto si dadka looga badbaadiyo cudurrada halista ah isla markaana ganacsatad dhiigmiiratada looga digo inay ka waantoobaan dhibaatada ay dadweynaha u soo jeediyaan iyo halista ay nolosha gelinyaan.

 

 

DHAQAALAHA

 

Dawl;adda waa in habka ganacsiga  ay wax weyn ka bedesho oo waxyaabaha dalka ay ganacsatada qaar soo gelinayaan si hoose loo baaro ayadoo la abuurayo xafiis qayb ka ah Wasaaradda Maaliyada iyo Lacagta qaybta furdooyinka oo hubiya tayada badeecadaha dalka la soo gelinayo oo ah “Bureau of Standard” taasoo door weyn ka ciyaari doonta daryeelka caafimaadka daweynaha.

 

Xafiiskaas waxaa in loo dhiibo dad shaqada taqasus gaar ah ku leh dadkaasoo la ogaaday inay yihiin dad aan haba yaratee musuq shaqo ku lahayn oo laaluush ka caagan.

 

Hadda waxaa dalka la soo geliya cunto tayadeedu hooseyso oo dhacday oo meelaha laga soo daabulay lagu tilmaamay in cuntadaas ay ka hooseyso heerkii bani’aamdigu iyo xooluhuba quudan lahayeen. “Unfit for human consumption”.

 

Waxaa la sheegay inay jiraan ganacsato soo iibsatada cuntadaas la rabay in bada lagu shubo oo u soo weeciya Soomaaliya kaddibna marka kale ku cabeeya jawaano ayadoo dadka laga siinayo qiimo aad u badan. Taas waxay keentay in dadka ay ku yaraato nafaqada qaar kalena ay ku dhacaan cuduro sida kaansarka oo kale halka ganacsatadaas ay si xad dhaaf ah uga taajireen ganacsiga xaraanta ah .

 

DHOWRISTA DEEGAANKA 

 

Waa in gebi ahaanba la joojiyo dhirta sida aan kala sooca lahayn loo jarayo iyo dhuxusha dibedda loo dhoofiyo intaba isla markaana la qaado olole lagu dhireynayo dhulka la xaalufiyay si dhulka looga ilaaliyo nabaadguurka.

 

Waa inay dawladda olole diblomaasiyadeed ku qaato wadamada khaliijka ee iibsada dhuhusha dalka laga soo gubay taasoo qiimo weyn ugu fadhida dadka iyo duunyada ku dhaqan Somalia.

 

Waa in dawladda wax ka qabato qashinka sunta warshadaha reer galbeedka iyo haraaga nuklearka oo xeebaha Soomaaliya lagu shubay berrigana lagu aasay oo dadweynaha u keenay caafimaad darro aan weligeed Soomaaliya lagu arkin sida ilmo malaasan oo lahayn xubnaha taranka iyo kuwa laga nafiso iyo kuwo aan lahayn gacmo iyo lugo iyo kuwo laba madax leh iyo kuwo ka sii daran.

 

Arrintaas haddaan si degdeg ah maamulka hadda la dhisay uusan waxba uga qaban cadaawaha Soomaaliya wuxuu ku tala galay in Soomalia 50 sano ee soo socota qariidada meesha ay juquraafiga adduunyada uga taalo ee geeska Afrika in dadka iyo dalkaba laga waayo.

 

Dawladdu waa inay ku dadaasho sidii loo ogaan lahaa heerka shucaaca “radiation” ee nuklearka ee badda iyo barrigaba lagu shubay si la isugu dayo in dhibaatada wax laga qabto oo la hakiyo ayadoo isla markaana mag dhow loo weydiinayo kuwa suntan xeebaheena ku soo shubay si loogu cawil celiyo dadka ay waxyeelada culus soo gaartay.

 

DOORKA URURADA BULSHADA MADANIGA

 

Hay’adaha aan dawliga aheyn ee dhowrista xuquuqal insaanka iyo dalladaha ay ku midoobeen waa inay iyagana bedelaan hab dhaqankooda hore looga bartay.

 

Waa in ay Hay’adahaas ku dhiradaan inay dadweynaha u soo bandhigaan xogta ay ka  diyaariyeen tacadiyada xuquuqal insaanka shacabka soomaaliyeed loo geystay mudadii ka badan 20 sano si dadkaasi loo maxkamadeeyo oo looga gudo dhibaatada iyo tacadiyada ay shacabka u geysteen ayadoo ku sifooba inay gesteen dembiyo dagaal loo horgeeyo Maxkamada Caalamiga ee Dembiyada ee magaalada The Heague ee dalka Netherland.

 

Waa in la abuuro guddiga Runta iyo Dib-u-heshisiinta nooca Koonfur Afrika ay ku heshiisay oo kale ee loo yaqaan (Truth and Reconciliation Commission) si qofki dambe galay uu cafis u weydiistay qofkuu ka galay Qaabkaa dib-u-heshisiin  ee South Afrika wuxuu soo af jartay qalalaase siyaasadeed oo weliba ku dhisnaa midab-takoor ee dalkaas ka taagnaa muddo ka badan 500 oo sano oo u dhaxaysay cadaanka laga tirada badan yahay iyo dadka madow ee Afrikaanka ah ee dalka u dhashay.

 

Madaxweynaha Jumhuuriyadda waa ilaaliyaha dustuurka.  Seddexda awood ee tiirarka u ah nidaamka dawliga sida Fulinta, sharcidejinta iyo Garsoorka awood kasta waa inay si xor ah u gudato waajibka ummadda u igmatay axsaan iyo eex la’aan ayadoo la dhowrayo dustuurka iyo dhamaan shuruucada ka farcantay.

 

Inkastoo ay jiri karaan tallaabooyin kale ee isbedel ku imaan karo, haddana aniga waxay ila tahay in dhamaan arrimaha aan kor ku soo sheegay ay noqon karaan aasaaska lagu gaaro isbedel gun iyo baar ah oo lagu heli   karaa daaweynta amuuraha xanuunka badan ee Soomaaliya maanta yaal.

 

Afar sano ee soo socota waa muddo kooban oo sida hilaaca oo kale dalka ku dhaafi karto, waxaa sidaas daraadeeda dawladda laga rabaa inay soo saarto qorshe iyo barnaamij shaqo oo waqtiyeysan oo dhamaan hawlahaas lagu qabanayo oo ay ku shubto DHIIG CUSUB ee nolol iyo naruuro geliyay geedi socodka loogu tallabsanayo inuu shacabku gaarsiin doono xilli ay dku doortaan nidaam dawladnimo oo ku yimida hal cod hal qof waxaa loo yaqaan (universal suffrage).

 

Dhiigu cusubi intaan Soomaalida bugta lagu shubin waa in marka hore la soo mariyo sheybaar casri ah kaasoo lagu soo tijaabiyo inuusan dhiigu sumeysneyn si uusan noqon mid dilaa ah oo cudur keena balse uu nowfo mif ummsffs u hotdrrfs horumar lagu diirsado oo dhan walba ah.

 

Haddii xitaa hawlhaas wax uun laga qabto, shacabka wuxuu oggolaan karaa in mar kale loo kordhiyo waqtiga dawladda ka dhamaan doono 4sano ee soo socota kaddib.

 

Shacabka Soomaalida kuwa ku nool dalka gudihiisa iyo qurbo joogta hadaaney dawladda ku taageerin isbedelka la sheegay waxaa dhacaysa in gobannimada Soomaaliya la waayo dalkana uu u gacan galo cadaawo aan sina uga kici doonin.

 

Shacbka waa inuu gacan bir ah isaga celiyo kuwo isbedel diidka ah ee dalka gudihiisa iyo caadawaha dibedda oo Soomaalia laf dhuun gashay ku noqotay sidii ay ku soo ceshan lahayd gobannimadeeda iyo qarannimadeeda.

 

Waa in cadaalada loo hiiliyo

 

Wa billahi Towfiiq

 

Abdulkadir Walayo

Email address: walayo@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
“Af-Soomaaliga qof kasta oo ku hadla, ma ahan in uu yaqaano”
Cilmooge muxuu ka yiri khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha
Kismaayo oo lagu qabtay Kulan looga tashanayo horumarka
Kismaayo oo laga bixinayo kaarka aqoonsiga Jubbaland
Xeeldheere dhismaha oo Turkiga u dhashay oo lagu diley Xamar