Baarlamaanka, la jiifiyaana banaan

Published: October 16, 2012

Kn:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Saacid Shirdoon ayaa lagu wadaa inuu subaxnimada Baritoole uu hor yimaado Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay ka dhex wadeen mudanayaasha baarlamaanka kala shukaansi iyo madiidayn ay ku doonayaan inay ku helaan codkooda “HAA”-da.

Sida Dastuurka cusub ee dalku qabo, Ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa waa in ay isku mar hor istaagaan Baarlamaanka si markaasi loo ansixiyo ama loo celiyo, halka Dastuurkii hore ee ku meel gaarka ahaa dhigayay in marka hore Ra’iisul wasaaruhu hor tago Baarlamaanka, kadibna xukuumaddiisa.

Sida sharciga Dastuuriga ah Ra’iisul wasaaraha oo kaliya ma hor imaan karo Baarlamaanka, laakiin waxaad moodaa kulamadii daaha gadaashiisa ka socday maalmahan in la doonayo in laga dhigo “la jiifiyaana banaan”.

Baarlamaanka wax ka badan 60% waa dad haysta shahaado sare, lamana oga sida ay ugu dhiiran doonaan jabinta qawaaniinka dalka, waliba shaygii ugu horeeyay oo dastuuri ah oo la soo hor dhigo tan iyo intii xilka loo dhaariyay.

Waxaa jira meel ay sartu ka qurunsantahay, hadii sida dastuurku dhigayo Ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisu ay baarlamaanka isku mar hortagaan, waxaa badanaya jaaniska in la diido, hadiise kaligii uu marka hore hor yimaado waxaa sareeya jaaniska ah in la aqbalo, waana taasi midda kalifaysa in la isku dayo in la jabiyo axdiga qaranka.

Hadaba, baarlamaanka loo hanweynyahay inuu difaac u noqdo dastuurka dalka iyo dadka isla markaana laga filayo inuu hor istaago damaaciyo badan oo shisheeye iyo sokooyaba ka leeyihiin dalka, waxaa hor yaala imtixaankii ugu horeeyay oo ku aadan ku dhaqanka Qawaaniinka dalka u yaala, hadii ay iska indho tiraana ay ahaanayso hal bacaad lagu lisay hanwaynidii loo qabay.

Waxaa haboon intii sharci lagu tumanlahaa in asaga marka hore la badalo, kadibna sida la jecelyahay loo dhigo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta