Kismaayo oo hadashay! By A. Jire

Published: October 17, 2012
Soomaaliyeey in badan baan aamusnaa oo aan lahaa Soomaali baa kuu hadleysee oo xaqdarada lagugu hayo aragtee adigu ha hadlin, haddaba maanta anigaa hadlanaya ee Afmadoow afkaaga qabso,Badhaadhe bartaada fadhi,Jamaame adigu juuq ha oran,Xagarey xeredaada joog.wax badan baan samray ee Soomaaliyey waxaad raadineyseen inaan hadlo ee bal iga koobiya intan;
Laga soo bilaabo dhamaadkii sagaashamaadkii,Gedo oo gacalkey daganaa ayaa ii soo hayaamay iyagoo abaar ka soo qaxay si ay iila wadaagaan dhulkii daaqsinta ahaa ee ilaahey igu maneystay anna gacmo furan  iyo walaalnimo ayaa ku soo dhaweeyey,muddo yar ka dibna waxay iila soo baxeen hubkii dawlada ee loogu talagalay in wadanka lagu difaaco,dadkii biri ma geydada ahaa ayaa  lagu baabi’yey awoodii dawladdii dhexe ee xilligaas jirtay,shacabkii degaankeyga ayaa la waray dhulka,markaasaa la yiri qofkii aaso iska daaye kii eegana waa la raacinayaa, waxaa dadkeyga loo geystay gabood-fallo badan oo ka dhan ah biniaadinamada iyo islaanimada,waana kuwii aan marti gelinay waxa sidaa yeelay.
Muddo yar ka dib kuwii falkaa geystay iyo xukuumadoodii oo qax ah ayaa ii soo marti galay, gobonimo waa ninkii ku xumeeyey oo aad wanaag ugu badasho ma aarsan ee gacma furan iyo gacalnimo ayaan ku soo dhaweeyey,Caabud-waaq iyo Gedo baa ila soo wada hadlay oo yiri dadku waa ehel dhib ku dhacay dariiqa u furana waa dhankaaga Kismaayooy ee soo dhawee,anna waan aqbalay.
Muddo yar ka dib waxaa bilaawday in laysku key dilo,waxaana isku key heystay dadkii degaanka oo iyagu garan waayey inay ku heshiiyaan nimcada ilaahay siiyey,muddo yar ka dibna markii ay tabartoodii wiiqantay ayaa waxaa u heshiiyey oo si lama filaan ah ula wareegay kuwo la baxay walaalaha Galgaduud oo iyagu sugayey fursadan,kuwaasoo aan dan ka laheyn magaalo kale,kaliya waxay doonayeen xaalufinta dhirta iyo canshuurta dekedda iyo airportka mana aysan dooneyn maamul ka baxsan dekedda iyo airportka,hadey awoodaana waxay sameysan lahaayeen maamul goboleed ku kooban dekeda iyo airportka kaliya.
Ma doonayo inaan ku sii dheeraado laakiin bilowga dhibka i gaaray ayaan doonayaa inaan idiin sheegto waxaana laga bilaabo waqtigaas igu bilawday dhibaato dhulkeygii iyo dadkeygii lagu hayo,dadkii waa la laayey qaarna waa la qaxiyey,dhulkeygiina waa la xaalufiyey,taas waxay cadeyneysaa inay i yimaadeen dad aan ii naxeyn oo dool ah,kalana jecleyn dadkeyga iyo degaankeyga toona.
Ka dibna waxaa nagu soo kordhay xoogagii magac diimeedka ku qaraabanayey oo iyaguna dhib badan noo geystay.
Waxaan maanta doonayaa inaan la hadlo dhawr degmo oo isu key bahaystay igana doonaya waxaysan xaq iigu laheyn,Jubbooyinka marka la yiraah aniga Kismaayo ah ayaa reerka u weyn waxaan maanta iraahdo ayeyna ku go’eysaa talada reerka.
    1-Waxaan hambalyo u dirayaa Ciidamada Dawladda Federaalka iyo Mujaahadiinta Raaskaambooniyiinta ee naga dul-qaaday cadawga argagaxisada ahaa ee dadka iyo dhulkaba dhibka ku hayey.
    2-Waxaan dhamaan beelaha nagu abtirsada haddaan nahay Jubbooyinka ka codsaneynaa iney ku noolaadaan nabad iyo wax wada qeybsi cadaalad ku saleysan. 
    2-Waxaan soo dhaweynayaa qof kasta oo Soomaali ah isla markaana doonaya inuu wanaag nagula noolaado isagoo aan fara gashan maamulkeena.
    3-Waxaan fariin u dirayaa gobolka Banaadir iyo dadkiisa,oo aan leeyahay waxaad aheyd Gobol ku dayasho mudan dagaalada ka hor, magaalo bilicsan oo loo soo dalxiis tago waxaana ugu wacnaa gobolada Soomaaliya oo dhan baa looga iman jiray,waxay ahayd meel looga badan yahay dadka Gobolka hareerahiisa degan,hantida ma guurtada ah iyo ganacsiga ugu badan waxaa lahaa dad ka yimid gobolada kale ee dalka,dad baan weligood meel kale arag oo ku dhashay Banaadir laakiin aad xumeyseen heyb sooc dartiina ku disheen kuwana ku qixiseen,hantidoodiina aad weli heysataan idinkoo Banaadir ugu yeeraya Magaalo madaxdii wadanka,Banaadir wuxuu ka kooban yahay 17 degmo,dhamaan waxaa maamula hal qoys,waana Gobolkii Soomaali ku dhameed,waxaad ku dartaa ilihii dhaqaalaha dekedda iyo Airporka waxaa dhaxal u yeeshay isla qoyskaas,dadka gobolada kale ka yimid waxay marti ku yihiin Hoteello isla markaana aysan booqan karin guryahoodii oo xaaraan looga heysto. 4.5 haddaad maqasheen ma soo dhaafo golaha Wasiirada,marka walaal Banaadir adigaa noogu weyne haddaan Soomaali nahay ee arrimahaaga hoose soo xalli inta aadan ka hadlin walaalahaaga kale,hadaad adigu hagaagto inta kale way hagaageysaa insha alaah.
    4-Waxaan ka codsanayaa maamulka ku meel gaarka ah iyo kan iman doona ee rasmiga noqon doonaba in la joojiyo dhoofinta dhuxusha Dibadda iyo Gudahaba isla markaana la ii keydiyo midda taalla Jubbooyinka oo loo isticmaalo Jubbooyinka keliya si aan uga soo kabto xaalufkii la ii geystay oo aan geed danbe loo jarin intii muddo ah.
    5-In qofkii sheegta lahaanshaha dhuxushaas taala Jubbooyinka la ogaado inuu yahay dambiile aan degaanka u dhalan oo aan dan ka laheyn xaalufinta Jubbooyinka.
Maanta intaas ayaan ku ekeynayaa laakiin mar danbe ma aamusnaan doono,gobolkii i soo hadal qaadana waan u jawaabayaa,ma noo xiraa shirka mase waad igu raacdeen intaan sheegay, haye Afmadow wax ma dareysaa intaas:
Afmadow:Marka hore waan idiin salamay,warkiina waad dhameysay Kismaayo in kastoo aad soo koobtay laakiin arrimo badan baad ka tagtay emememememe.  
Kismaayo:Jooji jooji Afmadow raad arooryo dib looma qaado waxba ha gocon caano daatay waa la daba qabtaa,waxii na gaaray alaha noo boogo dhayo,haye Badhaadhe soo daa,maba hadli kartide iska daa,haye xagar
Xagar:Anigu weli waan ciil qabaa inta shabaab ay joogaan dhulkeena sida Bu’aale,Jilib,Saakoow,Salagle IWM.
Kismaayo:Waxaan idiin sheegayaa inaan la harsan doonin inta xubin naga mid ah maqan tahay illaa iyo Gedo waan soconeynaa insha alaah.
Shirkii Jubbooyinka iyo erayadii Kismaayo
 A. Jire

KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Nadiif Jaamac oo waayay kursiga barasaabka Gaarisa
Ilmo dabo-qabsaday dayuurad oo la sheegey in uu booqan rabay hooyadiis oo Soomaaliya ku nool
Sedex shirkadood oo sheegey in ay qandaraas ku heystaan teesaraha iyo baasaboorka Soomaaliya
Xildhibaanada oo far-ku-gabbad ah kadib xildhibaan kale oo la diley
Madaxweynaha Burundi oo tagay Soomaaliya