Wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo? WQ Abdihakin Asir

Published: October 21, 2012
Waxaa in badan la is weydiiyaa marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, meeshii ay ka baxeen wadaniyiintii Soomaaliyeed ee wadankaan dhibka iyo rafaadka ka saari lahaa. Waxaase iga su’aal ah, wadaninimadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?

Sida ay dad badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool ay ka warqabaan, meel kasta oo ay ku nool yihiin ilmahooda waxaa la baraa, oo iskuulada loogu soo dhigaa geesiyiintii wadamaas u soo halgamay oo gaarsiiyay heerka ay maanta joogaan. Ha ahaadaan kuwo siyaasiyiin ahaa oo wadmadaas maamuli jiray amaba kuwo cilmi iyo aqoon ku soo kordhiyay wadamadaas. Waxaana jira maalmo si gooni ah loo xuso si loo tuso dhalinta soo koreysa qiimaha iyo ahmiyyadda ay maalintaasi wadankaas u lee dahay, iyo weliba sida ay waajibka u tahay qadarinta maalintaas.

Waxaa ilmaha iyo jiilalka yaryar loo soo gudbiyaa qoraallo ka tarjumaaya dhibaatada loo soo maray xurriyadda ay maanta heestaan iyo nolosha ay maanta ku nool yihiin. Waxaa ilmaha yar la gaarsiiyay inuu fahmo qiimaha wadankiisa iyo waajibaadka isaga ka saaran horumarintiisa.

Waxaas oo dhan waxaa suurta gal ka digay qaababka waxbarsho ee wadamadaas loo diyaariyay, iyo weliba iyaga oo qasab ka dhigay in ilmaha la baro waajibaadka ka saaran wadankiisa iyo xaqqa uu wadankiisa ku lee yahay. Taasina waxey keentay in dadka ay noqdaan kuwo leh dan guud oo mar kasta ka horeysa danta gaarka ah. Wixii ka hor imaanaaya danta guudna, dadku si toos ah ayey uga horyimaadaan mana aqbalaan oo waxey isticmaalaan qaabab loogu tala galay oo ay fikiradooda ku muujiyaan.

Waxaan u maleynayaa akhristow inaad is lee dahay xaggeed nala aaday iyo yaad tusaale noogu soo qaadaneysaa, waayo maba aha laba walxaato oo la isku tusaaleyn karo. Balse u jeedadeydu waxa ay tahay inaan ka jawaabo su’aasheydii aheyd “Wadaniyadu ma wax loo dhashaa mise waa wax la isku barbaariyo?”

Wadaninimadu ma aha wax loo dhasho ee waa wax la isku barbaariyo, oo uu jiil kasta uu u gudbiyo jiilka ku xiga isagoo isticmaalaya wacyi gelin iyo baridda taariikhihii ay soo mareen aabayaashii ka horeeyay. Balse waxaa taas ku xadfan in mar kasta oo qofka wax loo sheegaayo, sababta loogu sheegaayo ay tahay inuu sidaas oo kale uu u dhaqmo noqdana mid ay taariikhdu xusto oo weliba ogaado in lagu abaal marin doono waxa uu dalkiisa u qaban doono. Waxaad moodaa in haddii aannu Soomaali nahay aysan noo suurtoobin arintaas oo aanan helin qaab waxbarho wacyigelineed, oo kobciya, barbaariyana dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga fikiraan aayatiinka dalkooda iyo dadkooda.

Taasina waxay keentay in Soomaaliya ay yeelan weyso hogaamiyeyaal ka fikira danta guud, maadaama aanba la kala aqoonin waxa danta guud ah iyo waxa danta gaarka ah.

Qaar badan oo ka mid ah madaxda dalka waxa ay ku soo koreen iyada oo gofkii xil loo magacaabo, uu u dhaqmo sidii inuu isagu uu meesha loo magacaabay uuba lee yahay uusanna la soconin in waxa loo magacaabay ay tahay ammaano laguna xisaabtami doono.

Waxey kaloy ku soo koreen qaar badan oo ka mid ah madaxda maanta, in marka qof loo magacaabo wasaarad daqli fiican leh uu wasiirku digto xaflad loogu dabaal degayo jagada loo dhiibay. Sababta loogu dabaal degayana aysan aheyn inuu wax soo kordhiyo, balse ay aheyd inuu wax dhunsado.

Cashirada noocaas ah oo ay dhalintu ka barteen bulshadii ay ku dhex noolaayeen markii wadanku dowladda lahaa, iyo intii ka danbeysaba, waxey dhalisay arinta caanka ah ee la yiraahdo ka cadeyso. Taas oo keentay in la waayo qof u damqada danyarta Soomaaliyeed meel kasta oo ay Soomaaliya uga nool yihiinba.

Waxaa kaloo aad u badanaaya in qofka dhalinyarada ah uusanba u heysan in horumarka wadankaan uu isga xil ka saaran yahay. Waxa uu mar kasta u maleynayaa inuu jiro qof kale oo arintaas laga sugaayo. Waxaad u maleysaa in isaga laga qaaday masuuliyadaas lana yiri adiga wax xila ah kaama saarna ee danahaada qabso koley dadbaa wadankaan wax ka qaban doono. Waxeyna taasi na dhaxalsiisay mida aan maanta ku jirno oo ah mid aan loo sii dhulqaadan karin.

Sidee marka loo heli karaa loona barbaarin karaa wadaniyiin Soomaaliyeed oo dalkaan iyo dadkaan u damqada? Waxaa hubanti ah in ay waqti badan u baahan tahay in la helo tiro aad u badan oo isku si uga fikira dhibaatooyinka heysta Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiin. Waxaase fudud oo la gaari karaa in la bilaabo qaabab kor loogu qaadaayo wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed loona tusaayo iney iyagu yihiin laf dhabarka ummadda Soomaaliyeed haddii ay iyagu wax u qaban waayaan dalkoodana aysan jirin qof kale oo wax u qabanaayo.

Waxaana ugu horeeya in si toos looga hortago qulqulka lagu sii gulgulayo wadamada shisheeye iyada oo aysan jirin wax hadaf ah ee loogu socdo. Waxaad u maleysaa dhamaan dhalintii Soomaaliyeed iney noqdeen mid qurba jooga iyo mid maanta u diyaar ah inuu tago. Waxaa lagama maarmaan ah in khaasatan dhalinta aqoonyahanadda ah ee ka soo qalin jebiya wadamada dibada si toos ah loogu celiyo magaalidii ay ka yimaadeen si ay uga qeyb qaataan kor u qaadidda aqoonta iyo fahamka dadkii ay ka yimaadeen haddii kale waxaa yaraaneysa sidii loo dhisi lahaa dad wax fahma isna fahma.

Akhristow, wadaniga aan raadineyno waa adiga iyo saaxiibkaa, wax aadan adigu qabaninna ma qabsoomayaan. Marka waa inaadan cid kale ku haleynin wadankaada oo aad si toos ah aad ugu istaagto una raadiso dad ama dhalinyaro kaala shaqeysa sidii aad qeyb uga qaadan laheyd badbaadada dalkaada iyo dadkaada.

Waxaan qoraalkaan ku soo xirayaa, wax kasta oo loo istaago, loona kaashado ilaahey waa ay suurta galaan. Waxaadse moodaa in xilliga aan maanta ku jirno ay soo cadaanayaan wax badan oo dhalinta badankooda ka qarsoonaa. Waxaan u maleynayaa in dhalinta Soomaaliyeed aysan ka liidan kuwii xornimada keenay oo ay u istaagaan sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen nidaam iyo kal danbeyn ulana jaan qaadi lahaayeen dhalinta asaagooda ah ee ku nool dunida dacaladooda iyaga oo aanan u kala ordeynin iney meel hebel qaxooti ka noqdaan, balse u tartamaya iney yeeshaan dal qiimo badan oo dunida laga qadariyo.

Abdihakin A. Asir

mogadisho69@gmail.com

www.codkashacabka.wordpress.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe : Kismaayo iyo Free Town waa la mataaneyn
Video : Iskuul Kartaayda lagu barto Xamar
Gacan Ka Hadal Ka Dhashay Isbedal Lagu Sameeyay Maamulka Hosingoow ee Gobalka Jubada Hoose
Madaxweynaha oo safar sabeen-xir ah ku tagay Kismaayo
Puntland oo horey ka taageertey Cumar Cabdirishiid, Jubbaland oo u yara kaadineysa